MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul wasaarihii hore ee Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble ayaa ka hadlay isku daygii lagu sameeyay si looga baajiyo socdaal uu doonayay inuu ku tago dalka Koofur Afrika, isagoo adeegsanaya baasaboorkiisa Diblonaasiga ah ee Soomaaliya.
Rooble oo ka hadlayay munaasabad ay u sameeyeen jaaliyada Soomaaliyeed ee dalkaasi kunool ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay cadaadiska la saaray, isagoo qiray in xubno kamid ahaa wafdigiisa ay u baaqday is-hortaaga dowladda Soomaaliya.
Waxaa uu soo hadal qaaday qorshaha madaxweyne Xasan Sheekh ee doorashooyinka, wuxuuna uga digay inuu ku dhaqaaqo wixii uu shalay ka diiday Farmaajo markii uu ra’iisul wasaaraha ahaa.
“Wixii shalay walaalkey Farmaajo aan kor ugu sheegay hoosna ugu sheegay ayaan rabaa inaan maantana walaalkey Madaxaweyne Xasan Sheekh kor iyo hoos ugu sheego taas oo ah in wax loo dhan yahay la wada helo, waxaan shalay anigu diiday yaan dalka lagu celin” ayuu yiri ra’iisul wasaarihii hore ee dalka.
Sidookale ROOBLE oo sii hadlaayey ayaa yiri ”Nin ciid kugu rogay waxba kumu gaarsiin laakiin calooshiisa ayuu ku tusay” ayuu yiri Rooble.
Maxamed Xuseen Rooble ayaa ugu dambeyn ka hadlay arrintii qabsatay markii uu u safrayay dalka Koonfur Afrika, kadib markii loo diiday warqaddii habraaca ee uu ku dalban lahaa Visaha dalkaasi, wuxuuna tilmaamay in qaar kamid ah saaxibadiisa ay saameysay arrintaasi, balse ay la xisaabtan sameyn doonaan marka uu soo laabto.