Ra’iisul wasaare ku xigeenka Ethiopia oo muqdisho soo gaaray

MUQDISHO_AYAAMAHA- Wafdi uu hoggaaminayay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka arrimaha Dibadda dalka Itoobiya Demeke Mekonen ayaa Maanta soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ayaa waxaa wafdiga ka socday Itoobiya kusoo dhaweeyay Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Soomaaliya Saalax Axmed Jaamac, Wasiirka arrimaha Dibadda Soomaaliya Abshir Huruuse iyo mas’uuliyiin kale.

Ujeedka wafdigaan ee caasimadda Muqdisho u yimideen ayaa ah ka qeyb galka shirkii ugu horreeyay ee Guddiga wadajirka ah ee Wasiirada Soomaaliya iyo Itoobiya.