Ruushka oo wajahaya guul darradii ugu weyneyd muddo 25 sano ah.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ruushka ayaa qarka u saaran guuldarradiisii ugu horreysay tan iyo sanadkii 1998 iyadoo maanta uu ku ekyahay waqtiga kama dambeysta ah ee loo qabtay inuu ku bixiyo $100m oo deyn ah.

Ruushku wuu hayaa lacagtaas wuuna rabaa inuu bixiyo, balse cunaqabateynada saaran ayaan u saamaxeyn inuu deyn bixiyeyaasha siiyo lacagtooda.

Aqalka Kremlin ayaa waxaa ka go’naa inuu ka fogaado guuldarradiisii ugu horreysay tan iyo 1998, taas oo dhib weyn ku ah sharafta dalka. Wasiirka dhaqaalaha Ruushka ayaa xaaladdan ku tilmaamay mid “jahwareer ah”.

Ruushka ayaa u muuqday mid aan arrintan ka baaqsan karin tan iyo markii ugu horreysay ee Mareykanka iyo Midowga Yurub ay ku soo rogeen cunaqabateynta kaddib duullaankii uu ku qaaday Ukraine. Waxay cunaqabateyntan dalkaas ka hor istaagtay lacagaha ugu jira bankiyada adduunka oo fududeyn lahaa lacagta ka imaaneysa Ruushka ee la siin lahaa maalgashadayaasha daafaha caalamka ku sugan.

Dowladda Ruushka ayaa sheegtay inay dooneyso in dhammaan lacagaha ay waqtigooda ku bixiso, taasna ilaa iyo hadda way ku guuleysatay.

Ilaa $40bn oo ka mid ah deymaha Ruushka lagu leeyahay oo doollar iyo Yuuro isugu jira ayaa kala bar waxay yaallaan meelo ka baxsan dalkaas.

Haddii maanta uu ku guul darreysto inuu bixiyo lacagahan waxay noqon doontaa guul darradii ugu horreysay tan iyo sanadkii 1998, dhammaadkii xukuumaddii Boris Yeltsin.

Lacagtan dulsaarka ah ee dhan $100m ayaa waxay ahayd in la bixiyo 27-kii May. Ruushka ayaa sheegay in lacagtan loo diray Euroclear, oo ah banki u kala diri lahaa maalgashadayaasha.

Balse ay lacagta halkaa ku xayiran tahay, sida laga soo xigtay Bloomberg News, isla markaana aysan deyn bixiyeyaashana helin.

“Ma aysan helin,” ayuu yiri Jay Auslander, oo ah qareen Mareykanka u dhashay oo ka soo shaqeeyay kiisas badan oo deymo dowladeed ah. “Suurtogalnimadana waxay tahay inaysan helin.” Haddii aysan lacagtan ku imaan 30 maalmood gudahood oo ka mid ah xilliga loo qabtay, oo ah, fiidnimada Axadda, taas waxaa loo aqoonsan doonaa guuldarro. Euroclear ma uusan shaacin in lacagta la xayiray, balse wuxuu sheegay inuu u hoggaansamayo dhammaanba cunaqabateynada.

Guuldarradu waxay u muuqatay mid aan laga baaqsan karin

Guuldarradu waxay u muuqatay mid aan laga baaqsan karin markii waaxda dhaqaalaha Mareykanka ay go’aansatay inaysan cusbooneysiin ka reebista gaarka ah ee shuruucda cunaqabateynta oo u oggolaaneysa maalgashadayaasha inay lacagaha dulsaarka ka helaan Ruushka, taas oo ku ekeyd 25-kii May.

Aqalka Kremlin ayaa haatan u muuqda mid taas garwaaqsaday, isagoo 23-kii bishan sheegay in dhammaanba deymaha lagu bixin doono lacagta dalkiisa ee roubles iyadoo la soo marsiinayo banki Ruush ah, inkastoo qanadarasyadu ay ku qaran tahay in lagu bixiyo doollar ama lacagaha kale ee caalamiga ah.

Wasiirka maaliyadda dalkaas Anton Siluanov ayaa qiray in maalgashadayaasha caalamka “aysan awoodi doonin inay helaan” lacagaha sida ay shaacisay wakaaladda wararka ee RIA Novosti.

Weli ma cadda qaabka si rasmi ah loogu dhawaaqi doono in Ruushku ku guul darreystay bixinta deymahaas.

Hay’adaha qiimeynta deymaha, oo qiimeeya mudnaanta deymaha ee dadka wax deynsada, ayaa caadiyan door ka cayaara ku dhawaaqista arrintan, balse cunaqabateynada Midowga Yurub ayaa ka mamnuucay inay lug ku yeeshaan Ruushka.

Taas si ka duwan, deyn bixiyeyaasha qudhooda ayaa ku dhawaaqi kara, waxayna Ruushka ka codsan karaan inuu degdeg u bixiyo dhammaanba lacagaha.

Haddii Ruushku ku guul darreysto inuu bixiyo, waxay saari karaan maxkamad si ay lacagtooda uga helaan. Arrintan ayaa saameyn la taaban karo ku yeelan karta Ruushka.

Dalalka aan deymaha bixin ayaa waxaan suurtogal u ahayn inaysan deynsan lacago kale, balse Ruushka ayaa haatanba waxaa mamnuuc ka ah inuu wax ka deynsado reer-galbeedka kaddib cunaqabateyntii la saaray.

Waxaa la sheegay in maalin walba uu Ruushku balaayiin doollar ka sameeyo dhoofinta dhuxul dhagaxda, wasiir Siluanov ayaana bishii April sheegay in dalkaasi uusan qorsheyneyn inuu lacago dheeraad ah dyensado.

BBC