Rw Hamse abdi bare ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey dardar-gelinta amniga caasimadda

MUQDISHO_AYAAMAHA-22, Agoosto 2023–Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xamsa Cabdi Barre, ayaa guddoomiyey kulan looga hadlayey dardar-gelinta amniga caasimadda iyo sidii looga feejignaan lahaa dhagaraha ay  u rurka maleegayaan Shacabka Soomaaliyeed.

Mudane Xamsa ayaa tilmaamay in dalku uu ku jira xaalad dagaal oo lagu ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah, sidaas awgeedna loo baahan yahay in la sameeyo feejigaan dheeri ah, si looga hortago isku dayada naf-lacaariga ah ee ay ku khal-khal gelinayaan ammaanka caasimadda.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku bogaadiyey hey’adaha amniga sida naf-hurnimada ah ee ay uga hortageen falkii ay maanta Alshabaab ah la damac-sanaayeen in ay ku beegsadaan meelaha ay ku badan yihiin shacabku.