RW Hamza Abdi bare oo ka tacsiyeeyay geerida Abwaan jaamac kadiye AUN

MUQDISHO_AYAAMAHA-INNAA LILLAAHI WA INNAA ILEYHI RAAJICUUN

Waxaan Qoyska, Ehelka, Qaraabadda iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed uga tacsiyeynayaa Abwaan Jaamac Kadiye oo galabta lagu duley isaga iyo muwaadiniin kale duqeymihii arxan-darada ahaa ee lala beegsaday Magaalada Laascaanood.

Rabbi ha u naxariistee Abwaan Jaamac Kadiye wuxuu kamid ahaa abwaanadii hal abuurka iyo suugaanta meel sare ka gaaray, magac iyo miisaan weyna ku dhex lahaa bulshada Soomaaliyeed.

Dilalka iyo duqeymaha loo geysanaayo aqoonyahanka, Abwaaniinta iyo guud ahaan ummadda Soomaaliyeed ma ahaan wax laga aqbali karo maamulka Soomaaliland waana dambi iyo jariimo aad u weyn.

Allaha U naxariistee abwaan jaamac Kediye ayaa ahaa tiir kamida tiirarkii umada somaliyeed iyo shaqsi muhiimad wayn ku dhexlahaa bulshada somaliyeed

Waxaana sidookale geeridiisa ka tacsiyeeyay masuuliyiin Kala duwan oo somaliyeed