RW Hamze : “waxaa dowlada ka go,an in ay dalka xorayso “

MUQDISHO_AYAAMAHA-Ra’iisal wasaaraha Soomaaliya Xamza Cabdi Barre ayaa maalinimadii Arbacada safar ku tegey magaalada Aadan Yabaal, isaga oo khudbad u jeediyey ciidamada xoogga dalka.

Ra’iisal Wasaare Xamza Cabdi Barre ayaa u sheegay ciidamada inaan la joogin meel dib looga laabto, dagaalka ka dhanka ah al-Shabaab.

Ra’iisal wasaaraha ayaa khudbadda u jeediyey ciidanka xoogga dalka oo la sheegay, qaarkood inay dib uga soo gurteen magaalooyin ay horey uga qabsadeen al-Shabaab kadib weerarkii Cawsweyne.