Sacuudiga iyo Imaaraadka oo xulufo dhow ahaa oo khilaaf ka dhex qarxay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Khilaafka iyo xiisada udhaxeysa dowladaha Sacuudiga iyo Imaaraatka oo muddo dheer xulufo ku ahaa arrimaha gobolka Khaliijka, ayaa dhowaan soo shaac baxay.Halka xiisaddu ka bilaabatay ayaa ahayd shirkii OPEC ee toddobaadkan oo uu qabtay Ururka waddammada dhoofiya shidaalka iyo waddamada kale ee soo saara saliidda.

Soo saarayaasha ugu waaweyn ee saliidda adduunka, waxaa ka mid ah dalalka Sacuudiga iyo Ruushka, waxayna soo jeediyeen in la sii wado dhimista isu gudbinta saliidda illaa dhammaadka sanadka 2022-ka. Dhanka kale, Imaaraadka ayaa sheegay in arrintaa uu ku diiday sababo ay ku sheegeen “inay iyaga ku noqonayso caddaalad darro”.

Si kastaba ha noqotee, khubarada iyo falanqeeyayaasha Bariga Dhexe ayaa sheegaya in khilaafkan uu muujinayo xiisadda u dhaxeysa Sacuudiga iyo Imaaraatka, oo muddo dheer ka wada shaqeynayay gobolka Khaliijka, arrimo kala duwan.

Marvan Alblushi, la-taliyihii hore ee Ra’iisul Wasaaraha Imaaraadka Carabta, ayaa u sheegay wargeyska Financial Times, in “Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya ay aasaaseen iskaashi istiraatiiji ah muddo ku dhow 10 sano. Balse waxaa uu yiri” waxaan aragnaa in loolanka dhaqaale ee u dhexeeya dalalka Khaliijka uu xoogeystay dhawaanahan.”