Saddex arrimood oo Turkiga uu ka faa’iiday xasaradda dagaalka ee Ukraine.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Tan iyo markii uu billowday dagaalka uu Ruushka ku qaaday Ukraine 24-kii bishii February, xaalado badan ayaa kusoo kordhay dunida, waxaana ka mid ah isbaddal ku dhacay xiriirka u dhaxeeya Turkiga iyo Ukraine.

Xukuumadaha Ankara iyo Washington ayay sannadihii ugu dambeeyay u dhaxeysay xurguf ku saabsan dhinacyo kala duwan oo ay ka mid tahay xakameynta awoodda hubka ee Turkiga.

Go’aanka uu Turkiga uga soo hor jeestay isku dayga uu Ruushka ku doonayo qabsashada Ukraine iyo dadaalka uu ugu jiro in labada dhinac lagu dhexdhexaadiyo hab diblomaasiyadeed ayaa sabab u noqday in Aqalka Cad uu “mahad celin” u hayo Ankara.

1- Xiriirka Turkiga iyo Mareyknka oo soo hagaagaya

Markii uu Ruushka gudaha u galay Ukraine waxa uu weerarkiisa ujeeddadiisa ahaa in aan la ballaarinin isbahaysiga Nato oo uu Putin ka baqayay in ay xuduudihiisa ku sii fidaan.

Tallaabadaas ayaa horseedday in isbahaysiga reer Galbeedka uu dhankiisa adkeysto difaaca, waxaana muhiim noqotay in sare loo qaado xiriirta uu Mareykanka la wadaago waddamada xubnaha muhiimka ka ah Nato, oo uu ka mid yahay Turkiga.

Turkiga ayaa isagana dhankiisa muujiyay sida uu u diiddan yahay dagaalka Ruushka ee ka dhanka ah Ukraine, inkastoo uu xiriir xooggan oo dhanka dhaqaalaha ah la leeyahay xukuumadda Moscow.

2- Turkiga Cadaadis laguma saari doono hirgelinta cunaqabateynta Ruushka

Mowduucyada ugu waaweyn ee ku saabsan wadahadallada la xiriira Ukraine ee lala yeeshay Turkiga waxaa ka mid ah in Mareykanku uu cadaadis ku saarayo Ankara inay si buuxda uga qayb qaadato cunaqabateynta lagu soo rogay Ruushka iyo in kale.

Waxaa Xukuumadda Ankara hoosta looga xariiqay in aan culeys lagu saari doonin arrintaas, haddii ay hawada Turkiga u furnaato Ruushkana aan cabasho laga keeni doonin.

Hase ahaatee waxaa il gaar ah lagu heynayaa in aysan Moscow marinka hawada ee Turkiga u adeegsanin kala gudbinta qalab militeri iyo soo daabulista dagaalyahanno ka imaanaya dhinaca Suuriya.

3- In uu Turkiga helo diyaaradaha dagaalka F-16

Mid ka mid ah waxyaabaha ugu muhiimsan ee Turkiga uu ka faa’iidayo in uu hagaago xiriirka kala dhaxeeya Mareykanka waa in la dhammeystiro hirgelinta heshiiskii uu Washington uga iibsaday diyaaradaha dagaalka ee uu noocooda yahay F-16.

Labada dal ayaa isku khilaafsanaa qodobkan tan iyo dabayaaqadii sanadkii lasoo dhaafay. Mareykanka ayaa diyaaradahaas u diri waayay Turkiga oo lacagtooda baxsaday kaddib markii ay xurguf ka dhalatay go’aanka uu Turkiga gantaallada difaaca hawada ee S-400 uga iibsaday Ruushka.80 diyaaradood oo Turkiga uu filayay in ay usoo diraan Mareykanka ayaan ilaa hadda la gaarsiinin. Hase ahaatee waxaa hadda la filayaa in Turkiga uu helo diyaaradahaas haddii uu is afgaradka guul ku biyo shubto.

Sida ay sheegeen ilo wareedyo, wadahadallada billowday bilihii lasoo dhaafay ayay suurtagal tahay in lagu soo gabo gabeeyo ilaa xagaaga, oo ah bartamaha sanadkan, kaddibna loo gudbiyo golaha Congress-ka, si ay u ansixiyaan.

Maamulka Madaxweyne Biden ayaa sheegay in Ankara uusan wax dhib ah xageeda ka imaan doonin haddii laga iibiyo diyaaradaha F-16, balse waxaa adkaan doona in Congress-ka ay aqbalaan.

Turkiga ayaa hadda ku doodaya in khatarta ka dhalatay dagaalka Ukraine aysan saameyn doonin oo keliya dalkooda balse ay gaari karto dhammaan waddamada xubnaha ka ah Nato ee dhinaca koonfurta bari.

Waxaa lasoo tebiyay in arrintan ay hadda sababtay in Congress-ka Mareykanka ay mudnaan gaar ah siiyaan sidii loo ansixin lahaa ib Turkiga laga iibiyo diyaaradaha F-16.

Mareykanka ayaase dhanka kale doonaya in Ankara aysan howlgalinin qalabka difaaca S-400 ee ay kasoo iibsadeen Ruushka, kaasoo qaybtiisii ugu horreysay lasoo gaarsiiyay bartamihii 2019-kii.

Washington ayaa ku adkeysaneysa in xitaa haddii ay Turkigu haysanayaan gantaallada S-400 ay kayd ka dhigtaan, marka ay lagama maarmaan noqoto oo keliyana la halw geliyo, inkastoo Turkigu ay arrintaas ka biyo diidan yihiin.

Source:- BBC