Safiirka Soomaaliya ee Tanzania oo waraaqaha aqoonsiga danjirnimo u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Congo

Safiirka Soomaaliya Ilyas Cali Xasan oo waraaqaha aqoonsiga danjirnimo si rasmi ah ugu gudbinaya Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo, Marwo Thérèse Kayikwamba Wagner, magaalada Kinshasa.
Safiirka Soomaaliya Ilyas Cali Xasan iyo Wasiirka Arrimaha Dibadda ee DRC, Marwo Thérèse Kayikwamba Wagner, intii lagu guda jiray xafladda gudbinta waraaqaha aqoonsiga ee Kinshasa.

Safiirka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya u fadhiya dalka Tanzania iyo Urur Goboleedka Bariga Afrika (EAC), Ilyas Cali Xasan, ayaa maanta si rasmi ah nuqul ka mid ah waraaqaha aqoonsiga danjirnimo u gudbiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo (DRC), Marwo Thérèse Kayikwamba Wagner, kaddib kulan rasmi ah oo ka dhacay magaalada Kinshasa.

Warar & Warbixino – Goobjoog

Intii uu kulanku socday, labada dhinac ayaa ka wada hadlay xoojinta xiriirka diblomaasiyadeed iyo iskaashiga labada dal, gaar ahaan dhinacyada nabadgelyada gobolka, fursadaha ganacsiga, maalgashiga, fududeynta socdaalka, iyo sii deynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku xiran xabsiyada gudaha dalkaas.

Tallaabadan ayaa timid kadib khilaaf diblomaasiyadeed oo bishii September 2025 dhex maray safiirrada Soomaaliya ee Kenya iyo Tanzania, kaddib markii ay isku khilaafeen cidda sharci ahaan u leh inay matasho Soomaaliya gudaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.

Khilaafkaas ayaa salka ku hayay booqasho uu Safiirka Soomaaliya ee Kenya, Jibriil Ibraahim Cabdulle, ku tagay magaalada Kinshasa isagoo hoggaaminayay wafdi ganacsi oo Soomaali iyo Kenyati ah, taas oo aan lala socodsiin safaaradda Soomaaliya ee Tanzania, taas oo si cad u sheegtay in iyadu kaliya ay tahay safaaradda loo igmaday ilaalinta danaha Soomaaliya ee DRC.

Gudbinta waraaqaha aqoonsiga ee maanta ayaa si rasmi ah u xallisay is-maandhaafkii diblomaasiyadeed, taas oo hadda caddeysay in Safaaradda Soomaaliya ee Tanzania ay tahay tan rasmiga ah ee metasha Soomaaliya gudaha Jamhuuriyadda Dimuqraadiga ee Congo.