Shan arrimood oo ku saabsan Mukhtaar Roobow oo in muddo ah u xiran dowladda.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Mukhtaar Roobow (Abuu Mansuur) wuxuu dowladda Federaalka ee Soomaaliya u xiran yahay muddo ka badan 2 sano.

Waxaa hadda bilowday hadal hayn ku aadan xiritaankiisa iyo sida uu saameyn ugu yeelanayo dadka ka tirsan Al Shabaab ee doonaya in dowladda ay isku soo dhiibaan.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud, oo wax laga weydiyay xiritaanka Mukhtaar Roobow, xilli uu ka qeybgalayay barnaamij ka socday barta Twitter Space, wuxuu ku sheegay in “sidii loola tacaalay Mukhtar aanay sax aheyn”.

Wuxuu intaa ku daray in ay aheyd in dadka ka soo goostay Al Shabaab la soo dhoweeya lana dhiirageliyo.

‘Saameynta arrintan ay ku yeelan karto dadka doonaya in Shabaab ay ka soo goostaan’

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu yiri: “Mukhtaar Rooboow sida loola tacaalay sax ma ahan, sharciyan sax ma ahan.

“Dadka waa in la dhiirogeliyaa, gaar ahaan kuwa Shabaab ka soo goosta,” ayuu hadalka ku sii daray.

Wuxuu intaas ku daray in Mukhtaar uu yahay sida qof la soo qafaashay oo u xiran arrimo siyaasadeed dartood.

“Mukhtaar Roobow waa la afduubtay, waxaan ku tilmaami karaa qof la soo afduubtay oo u xiran arrimo siyaasadeed umana xirno arrin amni.”

Xasan Sheekh Maxamuud wuxuu intaa ku daray in arrintan ay gebi ahaanba curyaamisay go’aannada laga yaabo in ay qaataan saraakiisha sar sare ee ka tirsan Al Shabaab, ee ku saabsan in dowladda ay isku soo dhiibaan.

“(Dowladda) Waxay gebi ahaanba xirtay in Shabaab ay hoggaamiyeyaal kale ka yimaadaan. Arrinta xiridda Mukhtaar illaa iyo maanta waxay albaabka ka soo ooday dad muhiim ah oo hoggaamiyeyaal ah in Shabaabka ay dib uga soo noqdaan”.

Xiritaanka Mukhtaar Roobow

Mukhtaar Roobow ayaa xabsiga loo taxaabay bishii December ee sannadkii 2018-kii, xilli uu wakhti kooban ka harsanaa doorashadii madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed, taas oo musharrax saameyn leh uu ka ahaa.

Xariggiisa ayaa sababay in qalalaase uu ka dhaco magaalada Baydhabo ee gobolka Baay, iyadoo las oo tabiyay in qulqulatooyinkaas ay waxyeello isugu jirta dhimasho iyo dhaawac ka soo gaartay dad rayid ah iyo dibadbaxayaal taageersanaa Mukhtaar Robow.

Horraantii sannadkii 2019-kii, siyaasiyiin ka soo jeeda Gobolka Koonfur Galbeed ayaa BBC-da u sheegay in uu dib u dhac ku yimid rajo laga qabay dhaqdhaqaaqyada ku aaddan sii deynta Mukhtaar Roobow.

Sababta loo xiray

Markii la xiray Muktaar Roobow, Dowladda Soomaaliya waxay sheegtay in sababta loo xiray ay tahay in uu ka soo bixi waayay shuruudihii lala galay markii uu isa soo dhiibay, sidaas awgeedna aan la aamini karin.

Roobow oo horay u ahaan jiray hogaamiyaha labaad ee ugu sarreeya ururka Al Shabaab, ayey mas’uuliyiinta xukuumadda Soomaaliya ku eedeeyeen in hub iyo ciidan isaga u gaar ah la tagay magaalada Baydhabo. Balse kooxda Abuu Mansuur ayaa beeniyay eedaas.

Wuxuu Baydhabo u tagay inuu uga qeyb galo doorashada madaxweynaha maamul goboleedka Koonfur Galbeed oo xilligaas uu socday ololeheeda.

Xukuumadda federaalka waxay sheegtay in sababta ay uga mamnuucday inuu tartamo doorashadii Koonfur Galbeed ay aheyd, arrin la xiriirta xayiraado ka saaran dhinaca beesha caalamka, kuwaas oo aan laga qaadin.

Eryiddii Qaramada Midoobey ee Heysom iyo amniga

Dowladda Soomaaliya waxay Mukhtar Roobow ku eedeysay in uu dhaqdhaqaaq amni darro ka abaabulayay gudaha magaalada Baydhabo. Taas oo ah eedeyn ay beeniyeen kooxdiisii ololaha doorashada.

Xiritaanka Roobow waxay galaafatay wakiilkii gaarka ah ee xoghayaha Qaramada Midoobay u qaabilsanaa Soomaaliya, Nicholas Haysom, oo Dowladda Soomaaliya ay ku eedeysay in uu faraha la galay arrimaha gudaha, xilli uu ka hadlayay rabshadihii ka dhacay Baydhabo ka dib xiritaankiisa.

Dowladda Soomaaliya waxay xilliggaas ku amartay Heysom in dalka u si degdeg ah uga baxo.

Rabshadihii ka dhacay Baydhabo waxaa ku dhintay in ka badan 10 qof.

Ka hor intii aan dalka laga ceyrinin, Nicholas Haysom wuxuu soo saaray warqad uu uga hadlayay saameynta ka dhalan karta in ciidamada Nabad Ilaalinta ee Qaradamada Midoobeey ay taageerto ku lug yeeshaan xariggii Roobow.

Abuu Mansuur waxaa Baydhabo laga qabtay bartamihii bishii December, waxaana xigay rabshado la sheegay in ay ku dhinteen 15 qof oo rayid ah.

Wasaaradda arimaha dibedda Soomaaliya ayaa xilliggaas ku wargelisay xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, António Guterres, in Nicholas Haysom aanan laga rabin isla markaana aanu ka shaqeyn karin Soomaaliya. Sidaa awgeedna loo baahan yahay inuu dalka uga baxo sida ugu dhaqsaha badan.

Waa kuma Roobow?

Sheekh Mukhtar Robow wuxuu ka mid yahay aasaasayaashii ururka Al-Shabaab oo in ka badan 10 sano ka dagaallamaya Soomaaliya.

Wuxuu ahaa taliye ku xigeenkii Midowgii Maxaakiimta oo 2006-dii ka adkaaday isbeheysigii la dagaalanka argagixisada oo ay ku mideysnaayeen dagaal oogayashii Muqdisho.

Abuu Mansur Roobow wuxuu ka mid noqday hoggaamiyayaashii Al-Shabaab ee soo caanbaxay ka dib markii Maxaakiimtii laga saaray Muqdisho, dhammaadkii 2006-dii.

Wuxuu noqday afhayeenka iyo ku xigeenka Al-Shabaab, sannadkii 2007-dii, isaga oo ka hadli jirey fagaarayaasha dadka la isugu keeno iyo waliba saxaafadda.

Laakiin waxaa loo arkay in Roobow uu xagga aragtiyada ka dabacsanaa hoggaamiyeyaashii kale ee mayalka adkaa ee Alshabaab, ayna ku jirtey waddaniyad, sida laga soo xigtay dadkii ka agdhowaa.

Waxaa xitaa la sheegey in Roobow uu ka qeybgalay shirkii Asmara ee la isugu geeyey siyaasiyiin ay ka mid ahaayeen Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Shariif Xasan Sheekh aadan oo markii dambe dalka madax ka noqday.

BBC