Shan Qodob oo muhiim ah oo laga bartay dagaalka Al-Shabaab

MUQDISHO-AYAAMAHA-In ka badan 15 sano, Soomaaliya waxa ay la daalaa dhacaysaa amni xumo salka ku heysa falal argagaxiso, koofurta dalka waxa ay muddadaas ahayd beerta ay ku barbaarto Al-Qaaciddada Bariga Afrika.

Dadka oo ka daalay dhibaatada qaan-gaartay ee amni-darrada iyo niyad-jabka laga qabo fashilka muddada dheer ah ee Hawlgalka Midowga Afrika, waxa ay sababtay inuu mar qura Hiiraan iyo Galgaduud ka curto kacdoon shacab oo ka dhan ah Al-Shabaab.

Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sh Maxamuud oo hore u sheegay in Dowladdiisu muhiimad gaar ah siineyso amniga iyo xor noqoshada dalka, waxa ay gilgilashada shacabka u noqotay fursad dahabi oo aan la qasaari karin.

Wuxuu Taliska Ciidanka iyo Xukuumaddaba faray in si buuxa loo garab istaago dadka u kacay in ay degaannadooda xoreeyaan.

Dowladdu waxa ay sidoo kale diiradda saartay, in la xiro ilaha ay Al-Shabaab ka helaan dhaqaalaha iyo kuwa ay wararka ku faafiyaan, isla-markaana shacabka lagu baraarujiyo ka qeyb qaadashada dagaalka iyadoo la adeegsanayo culimada.

Is-biirsiga Ciidanka Xoreynta Degaanka oo loo yaqaan Macawisley iyo kuwa Xoogga Dalka Soomaaliya, waxa ay durba sababtay in neecaawda xoriyadda ay gaarto degaanno ay muddo ka arriminayeen Al-Shabaab, waxaana holgallada hadda socday laga bartay dhowr qodob.

DHIIRANAANTA SHACABKA.

Tan iyo curashadii kacdoonka bulsho, waxaa meesha ka baxday cabsidii shacabku ka qabay Al-Shabaab, culimada, odayaasha iyo dhaliinyarada ayaana ku dhiiraday in ay bannaanka u soo baxaan, halka haweenku si buuxda uga baxeen aashuun ku addinka, biyaha iyo raashkana ka daba sidaan ciidanka.

IN AAN BAAHI LOO QABIN ATMIS.

Howlgallada ku dhawaad afarta bilood ka socda Hiiraan, waxaa laga bartay in haddii shacabka iyo Dowladdu is kaashadaan aan loo baahneyn ciidan ajaani ah.

AL-SHABAAB IYO QABIILLADA.

Al-Shabaab tan iyo soo if-baxoodii waxa ay diiradda saarayeen in ay ka dheeraadaan isku dhaca iyaga iyo qabiillada ku dhaqan degaannada ay xukumaan, hayeeshee, ugu danbeyn waxa ay wajahaan kacdoonkii ug weynaa oo beeluhu hormuud u yihiin.

KA GO’NAANSHAHA MADAXDA DOWLADDA FEDERAALKA.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul Wasaaraha labaduba waxa ay muujiyeen sida uu uga go’an yahay dadaalka dalka looga xoreeyo Al-Shabbaab, si loo helo waddan nabad ah, isku furan oo guud ahaan ku jira gacanta Dowladda.

KU-DHACA IYO DHIIRASHADA GANACSATADA

Qaar ka mid ah ganacsatada caasimadda ayaa markii ugu horreysay ku dhiiraday in ay diidaan lacagta Al-Shabaab ka qaaddo xarumaha ganacsi ee ku yaalla Magaalada Muqdisho, taasoo dhabar jab ku ah Kooxda.

Yeelkeede arrimahaas waxaa barbar socda dibinn-daabyo siyaasadeed oo ay falkinayaan shaqsiyaad siyaasadda ugu jira lug-gooyada dadka deggan degaannada hadda howlgalladu ka socdaan.

Shaqsiyaadkaas oo ah danley ka dullaasha siyaasadda waxaa ugu horreeya Madaxweynaha Galmudug Qoorqoor kaas oo dhawaan fashiliyay gulufkii dagaal ee ku wajahnaa koofurta iyo bariga gobolka Galgaduud.

Qoorqoor oo hore u fashiliyay howlgalladii sanadkii hore ee gobolka Mudug ayaa hadda durbaanka u tumaya in isaga hoggaan looga dhigo xoreynta Galmudug, dad badan ayaana durba dood ka keenay damacaas.

Qoorqoor wuxuu bilihii la soo dhaafay dadaal xooggan galiyay kicin iyo iska hor keenka beelaha, si uu u abuuro kala shaki iyo in aan loo midoobin dagaalka ka dhanka ah Al-Shabaaab, waa sida ay qabaan saraakiil sar sare oo ka soo jeeda degaannada Galmdug.

Sidoo kale, General Biixi oo ku magacaaban Taliyaha Ciidamada Dhulka iyo saraakiil kale oo shantii sano ee la soo dhaafay aan maalin qura dagaal muuqda ku qaadin Al-Shabab, ayaa hadda ku sugan furimaha dagaalka, taasina waxa ay abuurtay shaki hor leh.