Shariif oo difaacay mowqifkiisa ku aadan dagaalka Al-Shabaab

MUQDISHO_AYAAMAHA– Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed ayaa difaacay mowqfikiisa ku aadan dagaallada dalka ka socda ee ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Shariif ayaa qoraal uu soo dhigay Facebook ku yiri “Mowqifkeena ku aaddan la dagaallanka cadowga waa mid soo jireen ah oo aan maranaba isbeddelin xilli kasta iyo marxalad walba, waxaana si buuxda u garab taagannahay dagaalka Ciidamada Qalabka sida iyo kuwa deegaanka ay kula jiraan argagaxisada.”

Sheekh Shariif, oo dadka qaar ay ku dhaliileen qoraal horey oo uu uga hadlay dagaalka socda, ayaa sheegay inaan laga aamusi karin haddii ay jiraan qaladaad.

“Qaladaadka jira ee sababay dhibaatada ku dhacday ciidanka qaarkiisa lagama aamusi karo, masuuliyadiisana waa in dadka ay quseeyso qaataan ama waa in ay la yimaadaan istiraatiijiyada iyo qorshe ka duwan midkii hore,” ayuu yiri madaxweynihii hore.

“Geesiyaasha dhiigooda huray marna ma aqbalayno inay dayacmaan, cidna uguma heeybeeysaneeyno ina difaacno xuquuqdooda.”

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya ayaa sheegay inuu codsaanayo in
“inaan la marin habaabin dagaalka lagula jiro argagaxisada, lana siyaasadayn, si masuuliyad ahna loo waajaho oo aan lagu mashquulin waxyaabo aan waxba ka so kordhineen.”

“Dagaal wuxuu u baahan yahay istiraatiijiyo cad, qorshe siyaasaded iyo xiriir caalami ah oo isgarab socdo, natiijadiisuna tahay dib u xoraynta dalka,” ayuu yiri.