Shir-madaxeedka Khaliijka iyo dalalka Aasiyada dhexe oo maanta ka furmay Jeddah

MUQDISHO-AYAAMAHA-Shir madaxeedkii ugu horeeyay ee dhaxmara Golaha Iskaashiga Khaliijka iyo dalalka Bartamaha Aasiya, ayaa maanta oo Arbaca ah ka furmaya magaalada Jeddah dalkaasi Sacuudiga, waxayna looga wadahadli doonaa xoojinta iskaashi ay ka yeelan doonaan dhinacyo kala duwan.

Waxaa shirka ka qeybgalaya wafuud kala duwan oo ka kala socota dalalka Uzbekistan,

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Uzbekistan Bahramjan Alaev, ayaa shirkan oo ah kii ugu horeeyay ee Khaliijka ay la yeeshaan wadamada bartamaha Aasiya ku tilkaamay mid taariikhi ah, isagoo intaa ku daray in shairkan uu iridda  u fureya iskaashi goboleed cusub oo u dhaxeeya dalalkan.

Sida ay xustay warbaahinta Sacuudiga kulanka ayaa intiisa badan looga arrinsan doonaa ka faa’ideysiga kheyraadka dabiiciga, sida saliidda iyo Gaaska iyo in dalalkan ay iska kaashadaan ka hortagga argagixisada gobalka.