Sidee dowlada Somalia kula-wareegtay Ceelbuur?

DHUUSAMAREEB-AYAAMAHA-Dowladda Soomaaliya ayaa sheegtay in ciidankeedu uu qabsaday degmada istaraatiijiga ah ee Ceelbuur ee gobolka Galgaduud, kadib markii maleeshiyada Al-Shabaab ay degmadaasi ka carareen.

Taliyaha ciidanka Soomaaliya Jeneraal Ibraahim Sheekh Muxiyadiin, oo waraysi siiyay VOA, ayaa sheegay in ciidanka ay si buuxda ula wareegeen degmada Ceelbuur, sidoo kalena ay dhawaan tagi doonaan degmada Galhareeri