Sidee Hannaanka Doorashada Dadban Looga Dhigi Karaa Mid Hufan?

MUQDISHO-AYAAMAHA-Inkastoo muddo ka badan saddex sano ay hoggaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ku adkeysanayeen in doorasho qof iyo cod ah ka dhaceyso dalka, dhowr bilood kahor ayaa lagu heshiiyey in mar kale ay dalka ka dhacdo doorasho dadban.

Goobaha ay ka dhaceyso doorashada iyo nooca doorashada waxa ay madaxda dowladda federaalka iyo dowlad goboleedyada ka gaareen heshiis 17-kii Sebteembar kadib kulan shan maalmood socday oo ka dhacay Muqdisho. Sidoo kale habraacyada guddiyada maamulaya doorashada ayaa lagu heshiiyey 2-dii Oktoobar.

Heshiiska doorashada laga gaaray si uu u helo sharciyad, ayaa labada gole ee baarlamaanku si wadajir ah u ansixiyeen 26-kii Sebteembar inkastoo uu horey u jiray sharci doorasho ee uu baarlamaanku ansixiyey oo aan ahayn doorasho dadban. Siyaasiyiinta mucaaradka intooda badan way soo dhaweeyeen heshiiska laga gaaray doorashada.

Qorshaha waxa uu ahaa in doorashada xubnaha labada gole ee baarlamaanka iyo sidoo kale doorashada madaxweynaha lagu qabto wakhtigooda. Balse magacaabistii xubnaha guddiga hirgelinta doorashooyinka dadban ee heer federal iyo guddiyada dhowr dowlad-goboleed iyo sidoo kale khilaafka ka jira hannaanka loo maamulayo doorashada xildhibaannada metelaya Soomaaliland iyo gobolka Gedo ayaa noqday caqabado xagaldaaciyey qorshihii iyo jadwalkii doorashada.

Dulmar guud ee nooca doorashada

Nooca doorasho ee lagu heshiiyey ayaanan wax badan ka duwaneyn doorashadii dadbaneyd ee sanadkii 2016. Koow, ergo gaareysa 101 ayaa mid mid usoo dooran doona 275-ta xubnood ee Golaha Shacabka. Tani waxa ay ka dhigan tahay in la laba jibbaaray ergada doorashada oo ay wadartoodu noqoneyso 27,775 qofood. Labo, kursi kasta ee ka tirsan Golaha Shacabka waxa lagasoo dooranayaa magaalo loo cayimay. Doorashada waxa ay ka dhici doontaa min labo degmo oo dowlad-goboleed kasta ah iyo Muqdisho. Saddex, musharrax kasta ee u tartamaya kuraasta Golaha Shacabka waa in uu bixiyaa lacag diiwaangelin oo gaareysa $10,000. Musharraxiinta Aqalka Sare iyaga waa in ay bixiyaan lacag diiwaangelin oo gaareysa $20,000. Afar, xildhibaannada dowlad-goboleedyada ayaa soo dooranaya xubnaha Aqalka Sare, waxaana musharraxiinta u tartamaya kuraasta Aqalka Sare magacaabaya madaxda dowlad-goboleedyada.

Shan, doorashada waxaa maamulaya guddiyo doorasho oo heer federaal iyo heer dowlad-goboleed ah. Guddiga hirgelinta doorashada ee heer federaal waxa uu ka koobnaanayaa 25 xubnood waxaana uu hagi doonaa guud ahaan hannaanka doorashada. Waxa uu guddiga diyaarinayaa islamarkaana maareynayaa miisaaniyadda doorashada, jadwalka doorashada, iyo ku dhawaaqista natiijada. 13 xubnood oo kamid noqonaya guddigan waxaa magacaabaya Dowladda Federaalka halka dowlad-goboleedyadana ay min 2 xubnood soo magacaabayaan. Dhinaca kale, guddiga hirgelinta doorashada ee heer dowlad-goboleed ayaa masuul ka noqonaya hirgelinta doorashada ee dowlad-goboleed kasta.

Howlaha guddigan waxaa ugu muhiimsan xaqiijinta liiska ergada, iyo maareynta u-codeynta kuraasta. Dowlad-goboleed kasta waxa uu guddigeeda doorashada ka koobnaanayaa 11 xubnood oo saddex kamid ah ay soo magacaabeyso Dowladda Federaalka halka siddeed xubnood uu soo magacaabayo dowlad-goboleedka. Sidoo kale guddi gaar ah oo ay magacowday Dowladda Federaalka oo kaashanaya siyaasiyiinta kasoo jeeda Soomaaliland ayaa maamulaya doorashada xildhibaannada metelaya Soomaaliland. Dhammaan guddiyadan waxaa lagu heshiiyey in ay 30% xubnahooda noqdaan dumar iyo sidoo kale in aanay xubnahaas ahayn kuwo xil siyaasadeed haya.

Ugu dambeyntii, guddiga xallinta khilaafaadka oo ka kooban 21 xubnood ayaa lagu heshiiyey in ay maareeyaan cabashooyinka la xiriira xulista ergada, hannaanka codeynta, iyo habdhaqanka guddiyada maareynaya doorashada. Dowladda Federaalka ayaa 9 xubnood oo kamid noqonaya guddigan soo magacaabeysa halka dowlad-goboleedyada ay min 2 xubnood usoo magacaabayaan. Xilliga doorashada ay socoto, musharraxa xildhibaan ee cabasho qaba waa in uu bixiyaa $3,000 oo diiwaangelin ah, guddigana waxa uu ku xallinayaa dacwo kasta muddo 7 maalmood ah.

Cilladaha ugu waweyn ee nooca doorashada.

Saddex cilladood oo waaweyn ayaa kamid ah cilladaha uu leeyahay nooca doorasho ee lagu heshiiyey. Cilladahaas waxa ay caqabad ku yihiin habsami-u-socodka iyo ka qeybgalka loo dhanyahay ee doorashada.

Midda koowaad, khidmada ku baxeyso diiwaangelinta doorashada waa qaali. Kuraasta waxa ay noqon doonaan kuwo ay ku loollamaan dadka lacagta badan heysta ama awooda oo keliya. Lacagta diiwaangelinta oo aanan dib loo celineyn oo ah $10,000 qofka u tartamaya Golaha Shacabka iyo $20,000 qofka u tartamaya Aqalka Sare waxa ay fursadda u diideysaa dad badan oo aanan lacagtaas bixin karin. Sanadkii 2016, lacagta diiwaangelinta Golaha Shacabka waxa ay ahayd $5,000 (dumarka tartamaya waxa ay bixinayeen $2,500) halka diiwaangelinta Aqalka Sare ay ahayd $10,000. Lacagtan diiwaangelinta tirada badan kama turjumeyso xaaladda dhaqaale ee dalka. Waxa ay sidoo kale fursadda u diideysaa qeybo badan oo kamid ah bulshada (haba ugu badnaadaan dhalinyarada iyo dumarka) oo jeclaan lahaa in ay kamid noqdaan xildhibaannada. Sidaas darteed, doorashada soo socota waxa ay noqon doontaa mid ay ku tartamaan dad kooban oo lacag heysto.

Midda labaad, ma jiraan kuraas loo cayimay dumarka sida ka muuqato hannaanka lagu heshiiyey. Dumarka waxaa kuraasta kula tartami doono rag. Waxaana ay u badan tahay in ay dumarku ku guuleystaan kuraas ka yar 24% oo ay hadda ka yihiin labada aqal ee baarlamaanka.

Midda saddexaad, jadwalka doorashada waxa uu sheegayaa in hannaanka doorashadu dhammaan doono horraanta bisha Febraayo ee sanadka 2021. Jadwalkaan ma ahan mid suuragal ka dhigaya in la fuliyo dhammaan howlaha doorashada. Muddada loo qabtay in lagu magacaabo guddiyada hirgelinta doorashada ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed aad ayaa dib looga dhacay. Tani micnaheeda waxa weeye jadwalkii lagu heshiiyey ma shaqeynayo. Marka lagasoo tago caqabadaha farsamo, khilaafyo siyaasadeed iyo caqabado amni ayaa soo ifbixi kara marka la bilaabo doorashada kuwaasoo keeni kara dib-u-dhacyo hor leh.

Arrimaha lagu muransan yahay

Dhowr arrimood ayaa jira oo uu muran iyo khilaaf siyaasadeed ka jiro. Inkastoo si guud loogu heshiiyey asteynta kuraasta, haddana waxa uu khilaaf ka jiraa sida looga fulinayo doorashada degmooyinka loo asteeyay. Waxaa khilaafkan ugu daran Jubaland oo maamulka dowlad-goboleedka ku doodayo in doorashada aanay ka dhici karin degmada Garbahaareey oo ah caasimadda gobolka Gedo maadaama ay maamulaan ciidamo ka amar qaata Dowladda Federaalka. Jubaland waxa ay soo jeedisay in kuraasta taalla Garbahaareey la geeyo Ceel Waaq (oo ah degmada keliya ee uu maamulka Jubaland ka taliyo guud ahaan gobolka Gedo) ama Kismaayo.

Sida loo soo xulay xubnaha guddiyada maamulaya doorashada ee heer federaal iyo heer dowlad-goboleed waxa ay abuurtay khilaaf culus. Cabasho culus ayaa laga muujiyey in Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyaduba xubnaha guddiyada usoo magacaabeen dad aanan u qalmin xilalkaas. Xubnaha guddiyada oo daacad u ah Dowladda Federaalka iyo Dowlad-goboleedyada islana shaqeynaya (maadaama labada heer ee dowladeed ku leeyihiin xubno guddi kasta) waxa ay sidoo kale xagal-daacin kartaa habsami-u-socodka shaqada guddiyada.

Magacaabista xubnaha guddiga maamulaya doorashada baarlamaanka ee xubnaha metelaya Soomaaliland ayaa iyaduna khilaaf ka taagan yahay. Haddii aanan khilaafkan la xallin, waxa uu mugdi gelinayaa 57 kursi oo labada aqal ee baarlamaanka ah oo metelayo Soomaaliland. Arrin kale oo la xiriirta kuraasta Soomaaliland ayaa ah in haannaanka codeynta 11-ka kursi ee Aqalka Sare ee metelo Soomaaliland ayaanan lagu qeexin habraacyada doorasho ee lagu heshiiyey, taasoo dhalin karta jahwareer marka ay timaado habraaca hirgelinta doorashada Aqalka Sare.

Suuragalnimada in natiijada doorashada xildhibaannada lagu murmo ama laysku khilaafo inta ay doorashada socoto way sarreysaa. Tani waxa ay ka dhigan tahay in hannaan lagu kalsoon yahay oo lagu xalliyo khilaafyada uu muhiim yahay. Sanadkii 2016, hannaanka xallinta khilaafaadka dhaliilo badan ayaa loo jeediyey maadaama lagu guuldarreystay in la xalliyo khilaafyo badan iyo in faragelin siyaasadeed oo joogta ah ay jirtay.

Guddiga xallinta khilaafaadka isla dhaliishii sanadkii 2016 ayuu wajihi karaa. Haddii guddiga uu fulin waayo go’aan uu gaaray, hannaanka lagu hesiiyey waxa uu sheegayaa in Golaha Wadatashiga Qaran leeyihiin go’aanka ugu dambeeyo ee xallinta khilaafyada. Sanadkii 2016, Madasha Hoggaanka Qaran ayaa kaalintaas lahayd. Balse Golaha Wadatashshiga Qaran waa mid aad u kala qeybsan, taasoo micnaheedu tahay in aanay khilaafyo badan awoodi doonin in ay xalliyaan – gaar ahaan marka ay xubnaha Golaha Wadatashiga Qaran dhexdooda isku khilaafaan sida loo xallinayo cabashooyinka.

Maxaa xal ah?

Muddo xileedka baarlamaanka waxa uu dhamaanayaa 27-ka bishan Diseember. Sidoo kale, muddada madaxweynaha waxa ay ku egtahay 8-da Febraayo ee 2021. Haddii aanay doorashadu billaaban kahor dhammaadka muddo-xileedka madaxweynaha, waxa laga baqayaa in jahwareer badan uu dalku galo.

Inta aanu wakhtigu dhammaan, waxa loo baahan yahay in si degdeg ah dib looga wada hadlo arrimaha cakiran ee xagal-daaciyey habsami u socodka doorashada. Maadaama saamileyda doorashada aanay ahayn dowladda federaalka iyo dowlad-goboleedyada oo keliya, waxaa loo baahan yahay in uu bilowdo wadahadal loo dhan yahay oo lagu faaqido laguna xalliyo arrimaha siyaasadeed ee doorashada ku gadaaman iyo tabashooyinka jira.

Waxyaabaha la sameyn karo oo ka qeyb qaadan karo in ay doorashada bilaabato waxaa kamid ah in 16-ka kursi ee yaalla Garbahaaareey loo kala qeybiyo degmooyinka Garbahaareey iyo Ceel Waaq; in xubnaha katirsan shaqaalaha rayidka iyo ciidamada amniga (inta la xaqiijin karo) ee loo magacaabay in ay kamid noqdaan guddiyada doorashada labada heer la beddelo si guddigu u noqdo mid heysta kalsoonida saamileyda siyaasadda oo dhan; in hannaan cad loo dejiyo xallinta khilaafyada, tababarro iyo agabna la siiyo guddiga xallinta khilaafyada; iyo ugu dambeyn in dib looga wada hadlo loona dejiyo jadwal doorasho cusub oo faafaahsan oo suuragelin kara in howlaha doorashada lagu qabto muddadaas.

Mahad Waasuge waa Agaasimaha Somali Public Agenda. Faalladan waa aragtida qoraaga kamana turjumeyso aragtida BBC Somali iyo tan mac-hadka Somali Public Agenda.

Xigasho:BBC