Somaliland Oo Si Kulul Uga Hadashay Qoraal Ay Baahisay Qaramada Midoobay

HARGAYSA-AYAAMAHA-

Hay’adda Qaramada Midoobay ee Caruurta ee UNICEF ayaa Qoraal ay ku daabacday boggeeda Twitter-ka ku sheegtay in Magaalada Boorama ay tahay Magaalo ku taalla Soomaaliya, hayeeshee waxaa Warkaas UNICEF si kulul uga hadashay Somaliland.

Qoraal ay soo saartay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxaa ay ku sheegtay in Qoraalka UNICEF ee baahisay kuna sheegay in Boorama ay kamid tahay Soomaaliya uu yahay mid ka hor imaanayo wada shaqeynta QM iyo Somaliland.

Hay’adda Caruurta ee UNICEF ayaa Qoraalkan ay daabacday uga hadleysay Bulshada kunool Boorama oo qaatay tallaalka Cudurka COVID-19, iyadoo Boorama u nisbaysay Magaalo ku taalla Soomaaliya.

Somaliland ayaa sidoo kale sheegtay in hadalka UNICEF uu meesho ka saarayo kalsoonida ay ku qabeen, isla markaana aysan aqbi karin arrintaas, iyagoona ku hanjabay in hay’addaas oo kala dhexeeysa ay tallaabo ka qaadi doonaan.

“Qoraalka hay’adda ay UNICEF ka qortay ololaha COVID19, ee ay Boorama u nisbaysay Soomaaliya waxa ay ka hor imanaysaa qaabka wada shaqayneed ee ka dhexeeya QM iyo Somaliland, waxa ay meesha ka saaraysaa kalsoonida, waana wax aan la aqbali karin!” ayaa lagu yiri Qoraalka Wasaarada Arrimaha Dibada.

Hay’adda Qaramada Midoobay ee Caruurta ee UNICEF ayaa markii dambe ka saartay boggeeda Twitter-ka Qoraalka ay baahisay, kadib hanjabaada Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ee aheyd inay UNICEF ay tallaabo ka qaadi doonaan.