Somaliland oo Xukun ku riday weriye bishaaro baandey oo horay u xirnayd

MUQDISHO_AYAAMAHA-Warar la imaanaya magaalada Hargeysa ee caasimadda Somaliland ayaa sheegaya in maxkamada gobolka Maroodi-jeex, ay hal sano oo xabsi ah ku xukuntay weriye Bushaaro Cali Baandey oo muddooyinkii la soo dhaafay xirneed.

Balse xukunka halka sano ah ee lagu riday Bushaaro ayaa ah xariga la iibsan karo.Hooyada dhashay oo warbaahinta gudaha la hadashay xukunka kadib ayaa muujisay sida ay ugu faraxsantahay go’aanka maxkamaddu ku riday gabadheeda taas oo muujineysa dhabnimada wararka sheegaya in xukunkaas halka sano ah la iibsan karo.

Bushaaro oo bishii May ee sanadkaan la xiray ayaa dhowr jeer dib loo dhigay kiiskeeda, waxaana arrintaa walaac ka muujinayay wariyaasha iyo dadka u dooda xuquuda aadanaha.Hay’adda u doodda xuquuqda weriyayaasha ee the Committee to Protect Journalist (CPJ) ayaa horey ugu baaqday in degdeg loo sii daayo Bushaaro.

Waxa jiray dhaawacyo la sheegay in la gaarsiiyay Bushaaro taas oo hadal heyn badan oo isugu jirta beenin iyo rumeyn ka dhex dhalisay baraha bulshada muddadii ay xirneed

Somaliland ayaa Sidaan oo kale u xirtay wariyaal badan oo kasoo jeeda deegaanadaas kuwaas oo xukuno lagu riday qaarkoodna hada ay dhamaysteen xukunadoodii