SSC Khaatumo oo la wareegtay xaruntii duleedka LAASCAANO ay kulahayeen Ciidamada Somaliland

MUQDISHO_AYAAMAHA-Kadib dagaal xoogan oo ka dhacay duleedka Magaalada Laas-Caanood ayaa xoogagga SSC Khaatuma waxaa ay kula wareegeen Saldhigga Goojacadde oo ay ku sugnaageen Ciidamada Somaliland.

Sidoo kale xoogagga Khaatuma ayaa soo bandhigay Saddex rag ah oo ay sheegeen inay ahaayeen Ciidamada Somaliland, balse ay dagaalka ku qabsadeen.

Saldhigan ayaa ahaa kii ugu waynaa ee ciidamada Somaliland ku lahaayeen agaa Laascaanood, ciidamada SSC ayaa soo bandhigay maxaabiis iyo gaadiid ay ka qabsadeen ciidamada Somaliland.

Wararkii ugu dambeeyay ee naga soo gaaraya duleedka Magaalada Laas-Caanood ayaa waxaa ay sheegayaan in Xoogagga Khaatuma ay hadda kusii qul qulayaan saldhigyadii ay la wareegen, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda Somaliland ay ka hadasho dagaalka.