Taliban oo udabaal-dagaysa sanad-guuradii labaad ee ay xukunka qabsaday iyo xaalada xuquuqul insaanka ee ka jirta Afghanistan oo laga dayrinayo

MUQDISHO_AYAAMAHA-Taliban iban u dabaaldageyso sanadguuradii labaad ee markii ay xukunka la wareegeen ayaa waxa laga dayrinayaa xaaladda xuquuqda aadanaha ee dalka Afghanistaan.

Hay’adaha u dooda xuquuqul insaanka ayaa si gaar ah uga walaacsan xuquuqda dumarka tan iyo intii ay awoodda la wareegeen Taliban.Haweenka iyo gabdhaha yaryar ayaa laga hor istaagay waxyaabo badan sida waxbarshada iyo shaqooyiinka

Arintani ayaa caqabad ku ah maamulka labadan jirsaday ee Taliban in caalamku aqoonsado dhanka kale hay,addo badan oo gargaar siin jiray Afghanistan ayaa joojiyay ayadoona xaaladu ay ku adagtahy hadii Tani ay sii socoto mallaayiin reer Afghanistan

Taliban ayaa dhowr jeer oo hore loogu baaqay inay dadka si siman ula dhaqmaan oo aysan qofna gaar utakoorin

Qaramada midoobay ayaa iyadu ka dayrisay xaalada Afghanistan iyo xukunka maamulka Taliban

Afhayeenka  ururka Taliban  Sabidullah mujahid ayaa sheegay in Beesha-caalamka ay ku mar-marsiyonayso xuquuqda dumarka si ay u cadaadiyaan Taliban

Labo sano kahor kooxa Taliban ayaa gudaha ugalay magaalada kapol Ee caasimadaa wadanka Afghanistan waxaana markii ay xukunka dalkaas la wareegen ay sameeyeen balanqaadyo badan oo ay kamid Ahaayeen xuquuqda dumarka , mamnuucida daroogada iyo wax ka qabashada dhaqaalaha hasa-yeeshee balanqaadyadaas waxba kama suurto-galin

Oo Taliban ayaa mamnuucday in dumarka jaamacadaha adaan iyo inay shaqeeyaaan