Taliyaha guutada 6-aad, qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka General Aadan Abshir Nuurre (Laba afle) oo Dhuusamareeb gaaray

MUQDISHO_AYAAMAHA-Taliyaha guutada 6-aad, qaybta 60-aad ee Ciidanka Xoogga dalka General Aadan Abshir Nuurre (Laba afle) iyo wafdi saraakiil ah uu hoggaaminayo ayaa maanta gaarey Magaalada Dhuusamareeb ee xarunta dowlad goboleedka Galmudug oo ah halka laga hagayo howlgalka dhammaytirka wajiga koowaad ee dagaalka Alshabaab

General Laba afle iyo saraakiisha la socota ayaa qayb ka qaadan doona howlaha abaabulka iyo dardar gelinta Ciidamada Deegaanka ee ka barbar dagaalamaya Ciidanka Qaranka Soomaaliyeed