Taliyaha qeybta 43aad ee Xoogga oo kormeeray fariisimaha ciidanka ee Baar-sanguuni

MUQDISHO_AYAAMAHA-Taliyaha qeybta 43-aad ee Ciidanka xoogga dalka Jeneraal Cali Maxamed Bogmadow ayaa maanta kormeer ku tagay fariisimaha ciidanka qeybta 43-aad ay ku leeyihiin deegaanka Baar-sanguuni ee gobolka Jubbada Hoose

Taliye Jeneraal Bogmadoow ayaa kormeeray dhamaan saldhigyada ciidaanka xoogga dalka waxaana uu geesiyaasha kula dardaarmay dar-dar gelinta howl-galada ka dhanka ah Khawaarijta ee ka socda qeybo kamid ah Jubbaland.