Taliye hotel lagu dhex dilay

MUQDISHO_AYAAMAHA-Taliyihii Nabad Sugidda Degmada doolow ayaa lagu soo warramayaa in Goordhaweyd lagu dilayoo Hoteel ku yaalla degmadaasi, waxaana soo baxayaa faah faahinno dheeraad ah oo ku aaddan dilka Taliyaha.

Taliyaha ayaa lagu magacaabaa Ibraahim Hilowle, waxaana la sheegay inay dishay Xaaskiisa, dilkaaasi oo si gaar ah uga dhacay Hoteel ku yaalla degmada, oo sida la sheegay uu deganaa.

Ilaa iyo hadda ma cadda sababta ka dambeysay dilka, balse waxaa socda baaritaanno xooggan oo ay wadaan laamaha amniga, gacanta ayaana sidoo kale lagu hayaa Haweenaydii dilka fulisay.