Taliye Shub oo xilka qaadis iyo xabsi guri la iskugu daray!

MUQDISHO-AYAAMAHA-Taliyihii hore ee ciidanka Asluubta Soomaaliya General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub) ayaa xilkii laga qaaday waxaana loo magacaabay taliye cusub oo lagu magacaabo Sarreeeye Gaas Maxamed Sheekh Xasan Xaamud.

Dhanka kale Dowladda Soomaaliya ayaa ciidamo ka tirsan Booliska Soomaaliya dul dhigtay Guriga Muqdisho uu ka daganyahay Taliyihaha xilka laga qaaday ee ciidanka Asluubta General Mahad Cabdiraxmaan Aadan (Taliye Shub). Iyada oo xabsi guri laga dhigay.

Sidookale kale warar aan helnay ayaa xaqiijineysa in Taliye Shub lagala wareegay ciidankii ilaalada u ahaa ee ka tirsanaa Asluubta Soomaaliya, iyada oo arrintan u muuqata mid lagu doonayo in lagula socdo ama lagu xakameeyo dhaq-dhaqaaqa Taliye Shub kadib xil ka qaadistiisii.