Tirada dad ku dhintay dufaantii Libya oo la shaaciyay

MUQDISHO_AYAAMAHA- In ka badan 5,000 oo qof ayaa lagu soo waramayaa inay dhinteen duufaan xooggan oo qaaday magaalooyin ku yaalla bariga dalka Liibiya.

Wali waxaa socda baadi goobka Kumanaan qof oo kale ayaa la sheegay in la la’yahay, sida ay sheegeen Saraakiisha Gargaarka deg dega.

Maamulka magaalada Derna oo kamid ah goobaha ugu daran ee ay duufaanta ku dhuftay ayaa ku dhawaaqay xaalad degdeg ah, iyagoo la xiray iskuullada iyo dukaamada waxayna soo rogeen bandow.

Dowladaha Caalamka ayaa ku dhawaaqay in ay Gargaar u diri doonaan dalka Liibiya