Tirada dadka ku dhintay Dhul-gariirka Turkiga oo sii koradhay

MUQDISHO-AYAAMAHA-Madaxwaynaha Turkiga Erdoğan loo ayaa ku dhawaaqay in 10 gobol oo ah kuwa uu dhul-gariirka ku dhuftay lagu soo rogay xaalad degdeg ah muddo 3 bilood ah.

Tirada dhimashada ayaa ilaa iyo iminka mareysa 5,000 oo qof. Tirada dadka ku dhaawacmay Dhul-gariirka ayaa ilaa iyo hadda ah 22,168.

Waxaa howsha samatabixinta ka qeyb qaadanaya 2000 oo isugu jira shaqaala maxali ah iyo kuwa caalami ah.