Toogasho lagu dilay labo qof oo Israeli ah

MUQDISHO_AYAAMAHA– Aabe Israa’iili ah iyo wiil uu dhalay ayaa lagu dilay weerar looga shakisan yahay inay falastiiniyiintu ka geysteen Daanta Galbeed ee la haysto.

Labada qof ayaa la sheegay inay ahaayeen shacab.

Dilaaga ayaa lagu soo warramayaa in uu ku toogtay bastoolad xilli ay marayeen meel ka tirsan tuulada Huwara ee koonfurta Nablus.

Kooxaha Falastiiniyiinta ee Xamaas iyo Islamic Jihad ayaa bogaadiyay dilka.

Milateriga Israa’iil ayaa jidgooyo dhigtay meel u dhow halka uu dilku ka dhacay.

Huwara waxa ay muddo dheer ahayd meel la’isku ugaarsado, Israa’iiliyiintu waxay ugu safraan ugana soo baxaan degsiimooyinka ku yaal waddo weyn oo dhex marta.

Bishii Febraayo toogasho halis ah oo lagu dilay laba Israa’iiliyiin ah ayaa keentay in dadka deggan magaalada ay ku dhex yaacaan magaalada nin Falastiini ah ayaa la dilay, guryo iyo baabuurna waa la gubay.