Tunisia & Midowga Yurub oo kala saxiixday heshiis lagula dagaalamayo socdaalka sharci darrada ah

MOGADISHO-AYAAMAHA-Midowga Yurub iyo Tunisia ayaa kala saxiixday heshiis is-afgarad ah oo ku saabsan “iskaashi istiraatijiyadeed iyo mid dhammaystiran” oo looga golleeyahay in lagula dagaallamo socdaalka aan joogtada ahayn iyo kor u qaadida xiriirka dhaqaale ee u dhexeeya Midowga Yurub iyo waddanka Waqooyiga Afrika, kaas oo ku yaal waddo weyn oo loogu talagalay muhaajiriinta iyo qaxootiga u socdaalaya Yurub. .

Madaxweynaha Midowga Yurub Ursula Von der Leyen, Ra’iisul Wasaaraha Holland Mark Rutte, iyo Ra’iisul Wasaaraha Talyaaniga Giorgia Meloni ayaa wadahadalo cusub la yeeshay Madaxweynaha Tuniisiya Kais Saied Axaddii iyadoo tirada muhaajiriinta iyo qaxootiga ka tagaya Tuniisiya iskuna dayaya inay gaaraan Yurub ay si aad ah kor ugu kacday dhawaanahan.