MUQDISHO-AYAAMAHA-Waxaa sii xoogaysanaya xiisadda ka dhex aloosantay sanadihii ugu dambeeyay kooxo ka wada tirsan ururka Ikhwaanul Muslimiin oo ku kala sugan Istanbul iyo London, waxaana khilaafkoodu uu salka ku hayaa qaab dhismeedka hoggaanka ururka.
Wixii ka dambeyay markii ciidamada Masar ay la wareegeen awoodda Masar sanadkii 2013, dhibaatooyinkii lagala kulmay hoggaanka ururka ayaa horseeday inay soo baxaan laba garab oo kala duwan, oo Turkiga iyo Ingiriiska ku kala sugan.Kadib markii mid ka mid ah madaxda ururka oo lagu magacaabi jiray Ibraahim Muniir uu ku geeriyooday magaalada London ayaa waxaa si weyn u soo shaac baxay loolanka ka dhaxeeya labada garab.
Arrintaan ayaa calaamad u ah in ururka Ikhwaanul Muslimiin, oo ka mid ah dhaqdhaqaaqa Islaamiyiinta siyaasadeed ee ugu weyn adduunka, uu kala jabay.
Maxaynu ka naqaannaa Ikhwaanul Muslimiin?
Ururka Ikhwaanul Muslimiin waa urur leh taariikh 94 sano ah. Ururka Ikhwaanul Muslimiin, waxaa la aasaasay sanadkii 1928-kii waxaana aasaasay macalinkii dugsiga hoose ee Xasan al-Bannah. Sanadihii la soo dhaafay ururku wuxuu awood weyn ku yeeshay Masar iyaga oo gacan ka helaya dadweynaha.
Ururka ayaa saameyn ku yeeshay dhaqdhaqaaqyo badan oo Islaamiyiin siyaasadeed ah oo dunida ka jira, dhaqdhaqaayada qarakood oo si toos ah ama si dadban ula xiriira ururka ayaa ka dhacay dalal kala duwan, gaar ahaan Bariga Dhexe iyo Waqooyiga Afrika.
Ururkan oo wakhtiyo kala duwan galay xulufaysi siyaasadeed oo kala duwan oo Masar ka jiray, ayaa haddana taasi waxay keentay in cadaadiska ku imaanayay uu kor u sii kacayay marba marka ka danbaysa.
Rabshado dhacay markii uu bilowday ‘Gugii Carabta’ ayaa ururku fursad u siiyay inuu qabto awoodda Masar.
Mowjado mudaaharaadyo ah oo loogu magacdaray ‘Guga Carabta’, oo ka bilowday Tunisiya bilihii ugu dambeeyay ee sanadkii 2010-kii, kuna faafay dalal kala duwan, ayaa sidoo kale saameeyay Masar.
Ka dib maalmo mudaaharaadyo waddooyinka ka socdeen bishii Febraayo 2011-ka, waxaa la soo afjaray xukunkii 29-sano ee Xusni Mubarak ee Masar.
Doorashadii bishii June 2012 waxaa ku guulaystay isbahaysi uu hogaaminayo xisbiga xoriyada iyo cadaalada ee Ikhwaanul Muslimiinka. Maxamed Mursi ayaana noqday madaxweyne.
Sannadkii 2013-kii, kooxo wata magaca Temerrüd (Jabhad) ayaa abaabulay mudaaharaadyo ballaaran oo looga soo horjeedo Mursi. Muddadaas, waxaa dhacay rabshado dhex maray kooxaha iska soo horjeeda.
July 3, 2013, ciidamada Masar oo uu hogaaminayay taliyihii guud ee ciidamada qaranka ee xilligaas Cabdul-Fataax Sisi, ayaa la wareegay maamulka.
Dad badan ayaa ku dhintay faragelin ay ciidamada ammaanku ku sameeyeen taageerayaasha ururka Ikhwaanul Muslimiin, kuwaas oo soo abaabulay dibadbaxyo looga soo horjeedo la wareegidda talada ee milatariga.
Maamulka Masar ayaa ururka Ikhwaanul Muslimiinka ku daray liiska “ururada argagixisada” isla sanadkaas. 2014-kii, Xisbiga Xoriyadda iyo Caddaaladda meesha ayaa laga saaray.
Maxay yihiin kooxaha UK iyo Turkiga?
Markii ururka xukunka lagala wareegay agaasimayaal iyo xubno badan oo ururka ka tirsan ayaa xabsiga loo taxaabay. Qaar ayaa dibadda aaday. Waxa kale oo xarigaasi uu gilgilay hoggaanka ururka ee Masar.
Halkaa marka ay marayso, waxaa soo baxay laba garab oo kala duwan oo hoggaamineed, oo ku kala sugan London iyo Istanbul.
Dagaalka u dhexeeya labadan kooxood ee ku saabsan cidda hayneysa talada ururka ayaa sii xoogaystay, waxaana dhinacyadaan ay sameeyeen dhaqdhaqaaqyo iska soo horjeeda.
Weriyaha BBC-da ee Qaahira Maxamed Hemeda ayaa sheegaya in kala qeybsanaanta ururka aysan ku saleysneyn arrimo fikir iyo mid siyaasadeed, balse ay tahay cidda hoggaanka u haysa ururka.
Hogaamiye kooxeed ka mid ah waxa uu ahaa Ibraahiim Münir oo sanado ku noolaa dalka Ingiriiska, kan kalena waxa uu ahaa Mustafa Tolba.
Müniir waxa uu la wareegay hoggaanka ururka ka dib markii la xiray hoggaamiyahii ku meel gaarka ahaa ee ururka, Maxamuud İzzet, oo lagu xiray Masar. Ibraahiim Müniir waxa uu geeriyooday 4-tii November.
Sida laga soo xigtay qaybta war-qabadka ee BBC-da, kooxda London ayaa Mohie El Zayet u magacawday hoggaamiyaha ku meel gaarka ah ee kooxda.
Kooxda Istanbul, ayaa dhanka kale, ku dhawaaqday in “Golaha Shuurada Guud ay u magacaabeen Maxamuud Xuseyni, oo ah xubin ka tirsan Xafiiska Hanuuninta, inuu noqdo gudoomiye ku xigeenka.
Waxaa la sheegay in Xuseeyni uu aaday Turkiga kadib afgambigii Morsi ee 2013-kii, wuxuuna xiriir wanaagsan la sameeyay xisbiga cadaaladda iyo horumarinta.
Xiisada ayaa ka sii socotay dhanka warbaahinta.
Xiisada u dhaxaysa labadan garab ayaa ku sii baahaysa warbaahinta iyo baraha bulshadu ku xiriirto ee Ikhwaanul Muslimiinka.
Marka loo eego dib u eegista BBC-da qaybta war-qabadka, bogga ugu weyn ee ururka, Ikhwan Online, iyo bogagga Facebook iyo Twitter ee ku xiran boggan ayaa taageeraya Xuseen.
Mareegta Xisbiga Xoriyada iyo Cadaalada ayaa sidoo kale taageero u muujisay ninkaan.
Shabakadda wararka ee Al-Yoom7 ee dowladda Masar ayaa sheegtay in Al-Watan TV oo xaruuntiisu tahay Turkiga uu aasaasay Xuseen.
Al-yoom7 ayaa waxaa ay sheegtay in Xuseen uu yahay ninka ka dambeeya hawlaha maaliyadeed ee ururka, isaga oo maamula hawlo badan oo dhaqaale.
Shabakadda warbaahineed ee dhawaan la aasaasay ee Rassd News Network waxay u janjeertaa dhinaca garabka London.
Sida ay sheegtay BBC-da qaybteeda war-qabadka , Mekameleen TV, oo horey saldhigiisu u ahaa Istanbul ayaa u wareegay dhanka London, waxaana uu u muuqdaa mid tagaeera dhanka garabka London.
‘Kooxda dhalinyarada’
Hemeda, oo ah weriyaha Qaahira ee laanta afka Carabiga ee BBC, ayaa sheegaya in labadan kooxood ka sokow ay dhawaanahan ka soo dhex baxeen koox kale oo Masar fadhigeedu yahay.
Isagoo sheegay in kooxdani ay ka kooban tahay dhalinyaro, isla markaana ay shaqadooda si qarsoodi ah u wataan, Hemeda waxay sheegay in kooxdani ay u ololaynayso samaynta hoggaan ka kooban dhallinyaro.
Wuxuu intaa ku daray in kooxdan ay xustay in hoggaanka cusub uu noqon karo Masar ama dibadda, balse muhiimadu tahay dhalinyarada.
Maxaa xigi kara?
Hemeda waxa uu sheegay in Ibraahim Müniir uu ahaa magac muhiim ah oo ururka dhexdiisa ah muddo tobanaan sano ah, isaga oo u malaynaya in tani ay la micno tahay khasaare weyn oo soo gaaeray garabka Ingiriiska, sidaas darteedna garabkan ka dhigayo mid aan awood badan lahayn.
Hemeda, ayaa sheegay in kiisas ballaaran oo la xiriira eedeymaha ka dhanka ah Ikhwaanul Muslimiinka Masar ay sii socdaan, wuxuuna rumeysan yahay in ururka uusan saameyn ku yeelan doonin siyaasadda Masar muddada soo socota.
Sidoo kale Hameda ayaa sheegay in inta badan madaxda ururka ay da’doodu ka weyn tahay 70 sano, balse ay dhici karto in dhalinyarada ururkaasi ay isbedel keeni karaan mustaqbalka.