Waa maxay caqabadaha ku xeeran rajada dib u doorashada Donald Trump?

MUQDISHO_AYAAMAHA-Madaxweynihii hore ee Maraykanka Mr Donald Trump ayaa afar gobol oo kala duwan looga soo oogay dacwado la xiriira dooarshadii dhacday sannadkii 2020-ka, haysashadii dokumentiyada sirta ahaa, iyo gabar la sheegay inuu xiriir horey u dhexmaray, eedahaas oo dhammaantood uu beeniyey.

Trump ayaa taageerayaashiisa u sheegay in markii dacwad lagu soo oogaba ay taageeradiisu kor usii kacayso, taasi oo waafaqsaan ra’yi ururinta la qaaday. Laakiin sida ay kusoo warramayso Cindy Saine waxa Trump uu caqabad kala kulmi karaa helitaanka taageerada dadka madaxabannaan ee aanan xibsina ka tirsanay, si uu doorashada madaxtinnimada ee maraykanka ka dhicidoonta uu ugu guulayto

Donald Trump ayaa sanadkaan gudihiisa tiraba dhowr jeer lagu soo oogay dacwado kala duwan.