Waa sidee xaalada magaalada LAASCAANO

MUQDISHO_AYAAMAHA-Rasaas goos goos ah ayaa saaka laga maqlayay Bariga magaalada Laascaanood ee Xarunta Gobolka Sool, halkaas oo ay isku hor fadhiyaan labada dhinac ee ku dagaalamaya magaaladaas.

Dhinaca Galbeed ee magaalada Laas-Caanood ayaa waxaa markii hore Hoobiyeyaal isku weeydaarsaday Ciidamada Somaliland iyo Xoogagga SSC, hayeeshee markii dambe uu dagaal toos ah ka billaawday aaga halka loo yaqaano Maraaga.

Goobjoogayaal ku sugan Magaalada Laas-caanood ayaa sheegay inay maqleen dhawaqa rasaasta ay isku adeegsanayeen labada dhinac, isla markaana uu jiro khasaaro dimasho iyo dhaawac ah oo ka dhashay.

Shalay ayaa waxaa duleedka magaalada Laas-Caanood ka dhacay dagaal waqti badan qaatay oo ilaa xalay soo gaaray, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro xoogan oo laada dhinac soo gaaray.

Dhinacyada Somaliland iyo xoogagga SSC ayaa siyaabo kala duwan uga hadleen dagaalkii shalay, hayeeshee maanta markale ay dhinacyadu dagaalameen