HARGAYSA-AYAAMAHA- Gudiga Doorashooyinka Soomaaliland ayaa ku dhawaaqay in Bisha December ee Sanadkan la qaban doono Doorashada Xisbiyada Siyaasada si loo helo Sadex Xisbi taasi oo ka dhigan in Xisbiyada hada jira uu waqtigoodii dhacay waana arin ay diidan yihiin Xisbiyada Mucaaradka
Dhinaca kale Doorashada Madaxweyne iyo ku xigeenkiisa ayaa iyadana la mudeeyay in ay dhacdo bil ka hor 13ka November 2024 iyadoo la raacayo Mudo kordhintii labada sana aheyd ee ay Madaxweynaha Somaliland usameeyeen Golaha Guurtida.
Xisbiyada Mucaaradka ayaa doonaya in Doorashada Madaxweynaha lasoo hormariyo halka Xisbiga Talada hayana uu doonayo in Doorashada Ururada la qabto marka hore.