Wararkii ugu dambeeyey dagaal culus dagaal culus oo ka qarxay Baydhabo.

Wararka Gudaha iyo Dibbada

Magaalada Baydhabo ee xarunta KMG ah ee Maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka qarxay dagaal culus oo u dhexeeya ciidamada maamulka iyo kuwa mucaaradka ee isku magacaabay “Badbaadada Koonfur Galbeed.”

Dagaalka ayaa ka bilowday aagga suuqa xoolaha, iyadoo la maqlayo rasaas xooggan, labada dhinacna ay isticmaalayaan hub kala duwan. Ilaa hadda lama xaqiijin khasaaraha rasmiga ah.

Dhanka kale, Taliska ciidamada Dowladda FS iyo mucaaradka ayaa sheegay in howlgaladoodu aysan beegsan doonin garoonka diyaaradaha iyo madaxtooyada, maadaama ay ku sugan yihiin ciidamada nabad ilaalinta Midowga Afrika.

Dhanka kale, maamulka Koonfur Galbeed ayaa sheegay inay iska caabiyeen weerar kaga yimid dhinaca dowladda Federaalka.

Xaaladda guud ee magaalada ayaa weli kacsan.