Wasaarada waxbarashada Somalia oo amar dul-dhigtay ardayda sanad dugsiyeedkan dhameeyay iskuulada

MUQDISHO_AYAAMAHA-Wasaaradda Waxbarashada hiddah iyo tacliinta sare ee Soomaaliya ayaa bulshada Soomaaliyeed wax ay la wadaagtay in ardayda ka soo baxdah dugsiyada sare ee dalka una gudbiya heerka sare ee Jaamacadaha in ay maraan hal sano oo waxbarasho asaasi ah.

Halkaan hoose ka akhriso bayaanka ka soo baxay wasaaradda waxbarashada:- Wasaaradda Waxbarashada waxa ay la wadaageysaa Bulshada Soomaaliyeed in Laga billaabo sannad-dugsiyeedka 2023/2024, dammaan ardayda doonaysa inay galaan tacliin jaamacadeed,waa in ay maraan hal sano oo waxbarasho asaasi ah (Foundation Year).

Maaddooyinka lagu dhigayo Sannadka Waxbarashada ee asaasiga ah,waa in ay ka mid noqdaan:Afka Soomaaliga (oo ay ku jiraan suugaanta, dhaqanka yo taariikhda),Afafka Carabiga iyo Ingiriiska (ama luqadda u ardayga ku qaadan doono waxbarashadiisa jaamacadeed), Daraasaadka Islaamka (Fahamka guud iyo akhlaaqda Islaamka), Xirfadaha Habqoraalka Akadeemigga ah, Xirfadaha Xallinta khilaafaadka, Xiriirka Bulshada iyo Hab-fekerka Naqdineed