Wasiir Dubbe oo warbixin Murugo leh ka diyaariyay xaalada Maaalada Jowhar.

Khamisitii la’ soo dhaafay waxan kamid ahaa wefdi culus oo uu hoggaaminayey Raisal Wasaaraha Xukuumadda JFS Maxamed Xuseen Rooble, ujeedada wefdigu waxa ay ahayd bal in madaxda xukuumaddu indhahooda ku soo arkaan dhibaatada uu geystay Webiga Shabeelle oo ku fatahay magaalada Jowhar iyo hareereheeda.

Jowhar waa caasimadda Maamul Goboleedka Hirshabeele, waana caasimadda maamul goboleed ee ugu dhow Caasimadda Federaalka ee Muqdisho, Jowhar iyo Xamar waxay isu jiraan 50 Mayl oo u dhiganta 90KM oo keli ah.

Haddii aan dib ugu yara laabto taariikhda magaalada: Jowhar waxa lagu tiriyaa in ay tahay magaalooyinkii ugu horreeyey dhulka Soomaalida ee aan xeebaha ahayn ee magaalooba. Quruxda iyo hodantininadeedu waxay sanadkii 1905 soo jiidatay Amiirkii Reer Boqor ee Talyaaniga ahaa ee Abruzzi, Amiirkaas oo magaaladan si weyn u caashaqay ugu dambayntiina degey illaa uu ka geeryoonayey. Jowhar waxay kaga hormartay magaalooyinkii kale ee dhiggeeda ama da’deeda ahaa Talyaaniga oo arkay muhiimaddeeda iyo nimcada Rabbi ku mannaystay, iyo dadkeeda oo ah dad tacab badan.

Abruzzi iyo asxaabtiisii ayaa sabab u ahaa maal-gelin badan oo Talyaanigu ku sameeyey Jowhar iyaga oo ka hirgeliyey tareenkii ugu horreeyey ee isku xidha Xamar iyo Jowhar, iyo sidoo kale casriyeyntii beeraha, horumaruntii jidadka iyo buundooyinka iyo goobaha adeegga bulshada. Sidaas ayay Jowhar uga mid noqotay magaaloyinkii ugu horreeyey ee dhulka Soomaalida ee Warshado yeesha.

Xoriyaddii kaddibna Jowhar waxay noqotay magaalo wax soo saar oo dhaqaale leh. Sidoo kale waxay caan ku noqotay qaybaha kala duwan ee sports ka oo mar kasta ay ahayd horyaal.

Jowhar marka laga tago in ay tahay magaalo istaraatiiji ah haddana waxay caan ku tahay wax-soo saarka Beeraha, xoolaha iyo warshedaha. Beri-samaadkii Jowhar oo caasimad u ahayd Gobolka Shabeelada Dhexe waxa hoos iman jirey Warshadaha ugu waaweyn dalka sida:
Warshaddii Sonkorta ee Isnai-piazza iyo qaybteedii kale ee Perfumes ka
Warshaddii Dharka ee Balcad
Warshaddii Hubka iyo Rasaasta Mahaday

Waa xilliga ay soo baxday ama Jidda ama Jowhar. Ama sidoo kale “ifkana Jowhar ka joog, aakhirana jannada ka joog”.

Sidoo kale Jowhar waxay caan ku tahay beeraha iyo dalagga ku baxa webiga Shabeele oo waraabiya dhul beereed badan. Khudradda Jowhar ayaa aad uga dhadhan ‘mac’ qudradda kale ee Dalka ka soo go’da, sababta ma aqaan! Dallagyada bariiska iyo qasabka sonkorta laga sameeyo ayay Jowhar caan ku ahaan jirtay.

Xoolaha hilibka macaan ee deexda uga yimaadda iyo caanaha daadka ah ee galbeedka webiga ka yimaadda iyo wax soo saarka kale ee faraha badan ayaa magaalada Jowhar ka dhigay halbowlayaasha quudiya dadweynaha Caasimadda Xamar ee malaayiinta kor u dhaafay.

Laakiin:

Haddii xilliyada qaar la odhan jirey;
Ku dekee haddaad Jowhar timi waa dan raaxaduye; hadda waxan indhahanaga ku soo aragnay xaalad u baahan gurmad degdeg ah, sidii aan ku baahinay wararkayagii hore illaa 12,000 kun oo qoys ayaa ku barakacay fatahaadii uu dhowaan sameeyey Webiga Shabeele. 27 tuulona wuu saameeyey, 40 kun oo hiktar oo dhul-beereed ahna wuu baabi’iyey, xoolaha uu waxyeelayna tiro laguma soo koobi karo, waxana go’an jidkii Balcad-Jowhar-Mahaday, ku dhowaad 60km ayaa biyo jiifaan.

Sida aan kor ku soo xusay; Hirshabelle waa maamul-goboleed deris la’ ah caasimadda, oo dhib iyo dheef wadaagba la’ ah, sidaas oo ay tahay dabaqadihii dhexe ee wax haystay iyo ganacsatadii tunka weynayd ee Caasimaddu weli uma gurman yaraankoodii.
Raage Ugaas wuxu yidhi; Nin Ugaas walaalkii yahay oo eeday baan ahaye

Shacabka Reer Jowhar ee 3-da usbuuc guryahoodii iyo beerahoodii ka maqan oo isdul buuxiyey degaamada iyo tuulooyinka dibadda ee weli fatahaaddu aanay gaadhin iyo dadweynaha faraha badan ee magaalada Jowhar dhexdeeda ku go’doonsan ee aan wax gaadiid ah oo raashin u wadaa aanay ku dhowaad hal bil u tegin runtii waxay u baahan yihiin gurmad degdeg ah.

Cismaan Dubbe
Wasiirka Warfaafinta, Dhaqanka iyo Dalxiiska JFS