Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Shaqada oo daah furay diwaan galinta shaqaalaha KMG ah

MUQDISHO_AYAAMAHA-Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Shaqada iyo Arrimaha Bulshada ee DFS Mudane Cismaan Libaax iyo Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye Ku xigeenka Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Federaalka Soomaaliya Mudane, Cali Muumin Muudey, ayaa maanta si wada jir ah u daah furay tiro koobka shaqaalaha aan joogtada aheyn,  xarunta Guddiga Qaranka Ee Shaqaalaha Rayidka Dowladda Soomaaliya.

ugu horreyn waxaa si kooban u sharxay habraaca tirokoobka Guddomiyaha Guddiga Farsamada Tirokoobka Mudane Axmed Maxamed Xasan (Giirow).

Kusimaha Guddoomiyaha ahna Guddoomiye ku xigeenka Guddiga Qaranka ee Shaqaalaha Rayidka Mudane Cali Muumin Muudey ayaa si faahfahsan u sharxay muhiimada iyo ujeedada tiro-koobkaan asagoo xusay in hormar wanaagsan laga sameyay diiwangelinta iyo tiro-koobka shaqalaha, waxa uu xusay in waxii hadda ka danbeeya xogta shaqaalaha ku meelgaarka ah aay kusoo wareegtay guddiga shaqaalaha asagoo kula dardaarmay ilaalinta ammaanada iyo mas’uuliyadda loo igmaday guddiga Farsamadda Tirakoobka.

Ugu dambeyn Wasiirka Wasaaradda Shaqada iyo Arimaha bulshada Mudane Cismaan Libaax,  ayaa bogaadiyay Guddiga Shaqaalaha Rayidka iyo howl-wadeenada shaqada wada asagoo kula-dardaarmay in si hufan u qabtaan howsha loo igmaday.

Tiro-koobkaan ayaa lagu sameyn doona dhamman Hey’adaha Dowladda ee ay joogaan shaqaalaha aan joogtada aheyn