Wasiirka Caafimaadka oo xilka ka qaaday Agaasimihii Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka Banaadir

Nin fadhiyo kursi maamul oo ku labisan shaati buluug ah, hortiisna yaalla calanka iyo astaanta Wasaaradda Caafimaadka Soomaaliya.
Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa ku dhawaaqay isbeddel maamulka ah oo lagu sameeyay Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka Banaadir, isagoo magacaabay Cabdirisaaq Shariif Cali inuu noqdo Agaasimaha cusub.

Muqdisho – Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka iyo Daryeelka Bulshada ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Dr. Cali Xaaji Aadam, ayaa ku dhawaaqay isbeddel dhanka maamulka ah oo lagu sameeyay Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka Banaadir, kaddib dhacdo murugo iyo argagax leh oo si weyn ugu faafay baraha bulshada.

Dhacdadaas ayaa ahayd haweeney uur leh oo lagu arkay iyadoo ku umuleysa isbitaalka hortiisa, kadib markii lagu waramay in isbitaalka looga diiday adeeg caafimaad, taas oo ka dhalisay caro iyo muran ballaaran bulshada dhexdeeda.

Wasiirka ayaa xilka ka qaaday Agaasimihii hore ee isbitaalka, wuxuuna magacaabay Cabdirisaaq Shariif Cali inuu noqdo Agaasimaha cusub ee Isbitaalka Hooyada & Dhallaanka Banaadir.

Wasiirku wuxuu sheegay in go’aankan uu qeyb ka yahay tallaabooyin lagu hagaajinayo maamulka iyo isla xisaabtanka, si looga hortago in mar kale dhacdo noocaas ah ay dhacdo.

Sidoo kale, waxaa la sheegay in qaybo ka mid ah maamulka iyo shaqaalihii ka shaqeynayay habeenkii ay dhacdadu dhacday laga joojiyay shaqada, inta baaritaan dhammeystiran lagu sameynayo.

Dhacdadan ayaa mar kale muujisay sida hay’adaha dowladda badankood aysan ugu baraarugsanayn dhibaatooyinka bulshada ilaa iyo inta ay si toos ah bulshada u muujiyaan. Inkastoo adeegyada caafimaadka ay yihiin kuwa ugu muhiimsan ee saameeya nolosha qofka iyo bulshada guud ahaan.