Wasiirka Ganacsiga Somalia ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay inay garab istaagaan ciidamada qalabka sida

MUQDISHO_AYAAMAHA– Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Jibriil Cabdirashiid Xaaji Cabdi, ayaa boggaadiyey halganka ciidamada  qaranku ay dalka kaga ciribtirayaan Al-Shabaab. Wuxu si gaar ah u amaanay hoggaminta Madaxweynaha Qaranka Mudane Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre ee la dagaalanka Alshabaab

Wasiirka, ayaa wuxu ganacsatada Soomaaliyeed ugu baaqay inay adkaysi u yeeshaan wejiga labaad ee halganka isaga oo ku amaanay sidii geesinimada lahayd ee ay u taageereen uga na qeyb qaateen wejigii hore ee lagu la dagaalamayey Alshabaab oo ahaa mid lagu guulaystay kaas oo lagu xoreeyey deegaano badan sidoo kale na lagu badbaadiyey lacago Malaayiin dollar ah oo ay si baad ah u qaadan jireen  ururka Alshabaab.