Wuxuu ka dardaarmay in lagu aaso qabuuraha dadka caadiga waa kuma ?

MUQDISHO_AYAAMAHA-Wuxuu ka dardaarmay in lagu aaso qabuuraha dadka caadiga, Si dadku uxasuustaan in hantidu aysan kuraaceen.Kani waa Allaha unaxariistee Qabriga Nasser Al-Kharafi oo ahaa Ganacsade iyo maalqabeen u dhashay Dalka kuweyt, Hantidiisa waxaa lagu qiyaasayey ku dhowaad 12 bilyan oo Dollar.
Waxa uu lahaa Shirkadda isgaarsiinta ee ZAIN, Bankiga Kuwait(National Bank of Kuwait iyo Shirkadda cuntada Americana ee xarunteedu kutaalo dalka Kuwait 🇰🇼.

Waxa uu lahaa 33 maraakiibta nooca shidaalka qaada, waxa uu lahaa Hoteello badan oo meelo kala duwan oo dunida ka mid ah ku yaalla.
Waxa uu lahaa 20 dhismayaal waaweyn oo qasri oo ku kala yaalla Kuwait, Malaysia, Dubai, France, London & Italy.

Hadda Allah unaxariistee gurigaas ayuu ka degganyahay oo hantidii uu lahaa oo idil hal Shilling kama uusan qaadan, Markii uu dhimanayey ayuu ku dardaarmey in aan la buunbuunin oo Qabuuraha caadiga ah lagu aaso si dadku u xusuustaan in Hantida lagu waareyn oo laga tegaayo, maal & magac kasta oo uu qofku leeyahayna halkaas uu ka aadi doono Gurigiisa dhabta ahna uu noqon doono

Guriga dhabta wakaan, Allaha nooga dhigo beer kamid ah beeraha Jannada.