Xasaasi:- Mahdi Guuleed oo ka baxay garabka Farmaajo, kuna biiray dhanka RW Rooble

MUQDISHO-AYAAMAHA-Ra’iisul Wasaare Kuxigeenka Mahdi Guuleed oo ka jawaabayey shir jaraa’id oo maanta ay qabteen Guddoomiyaha Baaralmaanka Aqalka Sare Cabdi Xaashi, Prof. Cismaaciil Samatar iyo Boqor Buur Madow oo weerar afka ay ku qaadeen RW Rooble ayaa sheegey inuu raaligelin ka bixinaayo gef lagula kacay RW Rooble.

“Wixii maanta ka dhacay Guriga Cabdi Xaashi dhaqan Islaam ma aheyn, dhaqan Soomaali ma aheyn, dhaqan ogaadeen iyo dhaqan odayeed midna ma aheyn, Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Beesha H/Gidir raali ahaada”

Mahdi Guuleed ayaa sidookale yiri “waxaan codkeyga ku biiranayaa waxaa leeyahay xaal qaata, Ra’iisul Wasaarow raalli ahaw, diyaar baan u nahay inaan gogol iyo madal weyn inaan xaalkaas ku bixino”

Villa Soomaali ayaa la aaminsan yahay inay ka dambeysay in Cabdi Xaashi, Prof. Cismaaciil Samatar iyo Boqor Buur Madow ay weeraraan RW Rooble, waxaana ka sheegay in Rooble ay Villa Soomaaliya kaga guuleystay dagaalkii siyaasadeed doorashada, kadib ay ka dambeysay inay adeegsadaan siyaasiyiintaan iyo Nabadoonada.

Mahadi oo la aamunsan yahay inuu garab la ahaa Farmaajo ayaa hadalkiisa waxaa uu u muuqdaa inuu meesha ka baxay xulufeysigii ka dheexeeyey isaga iyo Farmaajo.