Xasan Sheekh oo ka fakiraya siduu ka yeeli lahaa askarta ku maqan Eritrea

MUQDISHO-AYAAMAHA-Xasan Sheekh Maxamuud oo xilka la wareegay Isniintii todobaadkan ayaa waxa uu la kulmi doonaa caqabado dhowr ah oo u badan kuwa la xiriira amniga qaranka iyo khilaafyada siyaasadeed.

Intii uu dalka hoggaaminayay Maxamed Cabdullaahi Farmaajo waxaa si weyn u burburay isku xirnaanshiyaha, amniga iyo howlaha samafalka ee Soomaaliya, iyadoo Madaxweynihii hore uu sidoo kale wajahayay eedeymo la xiriira in uu si khaldan u isticmaalay ciidamada ammaanka.

Arrinta xiisaha lihi waxay ahayd in Xasan Sheekh maalintii ugu horreysay ee uu xafiiska qabtay uu si fagaare ah xafiiskiisa ugu soo bandhigay caqabaddii ugu horreysay, iyadda oo askartii Soomaaliya ee lagu tababarayay Eritrea ay hareysay xafladdii xil wareejinta ee ka dhacday Villa Somalia.

Madaxweynihii hore ee Soomaaliya Maxamed C/llaahi Farmaajo ayaa ku wareejiyay ugu yaraan 5,000 oo askari oo lagu tababarayo dalka Eritrea, kuwaasi oo fududeyntooda dib loogu soo celinayo dalkooda si degdeg ah.

Isaga oo difaacaya ficilkiisa, Farmaajo waxa uu ku andacooday in soo laabashadooda ay dib u dhacday si looga fogaado in ay saameyn ku yeelato xaaladda siyaasadeed iyo doorashada. Ilaa hadda lama shaacin waxa ku jiray faylka

Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan uu uga shaqeyn doono soo celinta askarta Soomaaliyeed ee lagu tababaray dalka Eritrea si ay uga qeyb qaataan xoreynta dalka. Ilaa hadda lama shaacin waxa ku jiray faylka xil wareejinta ee uu soo bandhigay Farmaajo.

Howlaha ugu weyn waxaa ka mid ah in askarta lagu soo biiriyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed [SNA], taasoo laga yaabo inay qaadato waqti dheer maadaama tababarkooda uu si toos ah ugu xirnaa siyaasaddii xilligaas jirtay. Mucaaradka ayaa Farmaajo ku eedeeyay inuu u tababaray dano siyaasadeed.

Xeeldheerayaasha ayaa qaba in Xasan Sheekh laga rabo inuu daacad u ahaado shacabka Soomaaliyeed, isla markaana muhiim ay tahay in ay ogaadaan waxa ku jira faylkaas.

“Waa in uu sameeyaa g ddi madax-banaan oo si qoto dheer u baara haddii ay jiraan caddaymo ah in loo diray Tigray,” ayuu yiri hal falanqeeye sare

Su’aasha ay tahay in uu Xasan Sheekh ka jawaabo Su’aasha la xiriirta in askarta ka qayb qaadanaysay xasuuqa Tigray-ga ayaa noqon doonta mid ka mid ah arrimaha ugu waaweyn ee looga fadhiyo maamulka Xasan Sheekh in uu ka jawaabo iyada oo la tixraacayo warbixin uu daabacay wakiilka Qaramada Midoobay u qaabilsan Ereteriya oo uu ku sheegay in askartaasi ay ka qayb qaateen xasuuqii Tigrayga.

Waa xasuuqan la rumeysan yahay in tiro ka mid ah ay ku dhinteen kuwa kalena ay u suurtagashay in ay si qarsoodi ah dalka ugu soo laabtaan gaar ahaan Puntland iyo Somaliland oo soo bandhigey cutubyo kamid ah ciidanka.

Tiro ka mid ah qoyska ayaa isugu soo baxay waddooyinka, iyagoo ku eedeeyay Farmaajo inuu ku qasbay askarta inay u gudbaan dhanka Tigray halkaas oo ay ka gacan siiyeen ciidamada difaaca Qaranka Itoobiya [ENDF] si ay u baabi’iyaan dadka Tigrayga ah.

Ka sokow ka jawaabista inay ka qaybqaateen xasuuqii Tigrayga, madaxweynaha cusub waa inuu sidoo kale wax ka qabtaa qaar ka mid ah kiisaska la sugayo oo ay ku jiraan dilkii Ikran Tahil, oo ahAYD gabar da’yar oo amniga internet-ka u qaabilsaneyd NISA oo lagu dilay xaalado aan caddayn.

Ilo-wareedyo kala duwan oo geerideedda la xiriiriyay ayaa daaha ka qaaday in loo beegsadey waxa ay ka ogeyd tababarkii qarsoodiga ahaa ee askarta Soomaalida loogu soo xiray dalka Eritrea.

Saaxiibadeed ayaa xaqiijiyey in ay hoygeeda ku sugneyd kahor inta aan la afduuban habeen. Hay’adda NISA waxay caddeysay in Al-Shabaab ay dishay Ikraan. Hase ahaatee, maleyshiyadda way iska fogeysay eedeyntaas.