Xassan sheikh oo kulamo maxaas kawada waa maxay ujeedka kulamadaas ?

MUQDISHO_AYAAMAHA- Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya kulamo saacadihii la soo dhaafay Madaxweynaha Dowladda Soomaaliya, Xasan Shiikh Maxamuud uu la yeeshay qaar kamid ah siyaasiyiinta ka soo jeeda gobolka Hiiraan.

Kulanka ayaa waxaa qeyb ka ahaa Guddoomiyihii hore ee gobolka Hiiraan, Cali Jeyte Cusmaan, Wasiiro iyo Xildhibaanno ka kala tirsan Dowladda Federaalka iyo Maamulka Hirshabeelle.

Waxaa diiradda lagu saaray sidii loo xoojin lahaa dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab ee ka socda dalka iyo sidii si wadajir ah looga wada qeyb gali lahaa.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa sii wadi doona wada hadalada iyo abaabulka uu ka wado degmada Maxaas ee lagu dardar galinayo dagaalka Al-shabaab.