Xiisadda u dhexeysa Faransiiska, Australia, Mareykanka iyo Britain oo cirka isku sii shareeraysa

MUQDISHO-AYAAMAHA-Kulan loo balansanaa in uu dhex maro wasiirada gaashaandhiga ee Faransiiska iyo Ingiriiska ayaa la baajiyay iyada oo uu sii socdo khilaafka diblomaasiyadeed ee ku saabsan heshiis cusub oo dhanka amniga ah oo dhex maray Maraykanka, Australia iyo Britain.

Dowladda Faransiiska ayaa xaqiijisay in Madaxweyne Macron iyo Biden ay ka wada hadli doonaan arrinta maalmaha soo socda ka dib markii uu Mareykanka codsaday inay qadka teleefoonka ku wada hadleen.

Dowladda Faransiiska ayaa shalay mar kale waddamada Australia, Mareykanka iyo Britain ku eedeysay khiyaano kaddib markii waddamadaasi ay galeen heshiis cusub oo dhanka amniga ah isla markaana ay meesha ka saareen heshiis balaayiin doolar ku kacayay oo u dhaxeeyay Faransiiska iyo Australia.

Ra’iisul wasaare ku xigeenka Australia, Barnaby Joyce, ayaa BBC -da u sheegay in uu ka xun yahay in Faransiiska uu dareemay inuu dhaawac ka soo gaaray heshiiska.

Labadani waddan ee Faransiiska iyo Australia ayaa horey ugu heshiiyay in Australia ay gujis ka iibsato Faransiiska balse heshiiska cusub ee ay haatan la gashay waddamada Mareykanka iyo Britain ayaa heshiiskaasi meesha ka saaraya, waxaana baddalkiisa waddamadani ay u ballanqaadeen in ay siiyaan gujis xambaaraya hubka niyuukleerka.

Xoghayaha arrimaha dibadda ee UK ee dhowaan la magacaabay Liz Truss ayaa heshiiska ku difaacay maqaal uu ku qoray wargeyska The Sunday Telegraph, isagoo sheegay inuu muujinayo sida Britain ay diyaar ugu tahay inay “dhagaha fureysato” si ay u difaacdo danaheeda.

Heshiiska ayaa la macno ah in Australia ay noqon doonto dalkii toddobaad ee adduunka ee uu ka hawlgalaan maariikba quusta ee ku shaqeeya nukliyeerka.

Gujisyada ku sahqeeya quwadda niyuukleerka ayaa xajmi ahaan ka yar ama la mid ah maraakiibta caadiga ah, waxa kaliya ee ay kaga duwan yihiin ayaa ah in ay ku shaqeeyaan tamarta niyuukleerka iyo in ay xambaari karayaan madaxyada hubka niyuukleerka. Waxa ay inta badan quusaan badda balse sidoo kale waa ay awoodaan in ay dul sabeeyaan biyaha korkooda sida maraakiibta kale.

Ciidamada badda waddamada Mareykanka iyo Britain ayaa waxa ay haystaan gujisyo laba nooc ah. Labaduba waxay ku shaqeeyaan tamarta niyuukleerka oo laga dhalinayo cadaadiska biyaha badda.