Xilliga ay dhacayso doorashada Aqalka Sare ee Puntland oo la shaaciyay.

GAROWE-AYAAMAHA-Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka  Puntland, Cabdirashid Yuusuf Jibriil ayaa marka hore Maanta magacaabay Guddiga Qabshada Doorashada Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federalka Soomaaliya ee qeybta ka imaaneysa degaannada Puntland.

Xubnaha Guddiga oo ka kooban 5 Xubnood kaliya ayaa loo xilsaaray qabashada doorashada  11 Xubnood ee Puntland ku leedahay Xildhibaannada Aqalka sare ee Baarlamaanka Soomaaliya, kuwaas oo Magacyadooda ay kala yihiin.

  1. Xil. Axmed Jaamac Cabdulle Guddoomiye
  2. Xil. Sharmaarke Cali Cilmi Xubin
  3. Xil. Cabdiraxmaan Jaabiri Samata Xubin
  4. Xil. Cabdirisaaq Maxamed Saha Xubin
  5. Xil. Cabdiqani Nuur Faarax Xubin

Sidoo kale Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawlad Goboleedka  Puntland, Cabdirashid Yuusuf Jibriil ayaa ku dhawaaqay in 11/08/2021, kuna beegan maalinta Arbaca ay dhaceyso doorashada Xildhibaannada Aqalka sare qeybta ka imaaneysa Puntland.