
Xisbiga Xaqsoor oo uu hoggaamiyo wasiirkii hore ee Qorsheynta, Cabdiraxmaan Caynte, ayaa isbuucii tegay shir ballaaran ku yeeshay magaalada Muqdisho, kaas oo lagu falanqeeyay istiraatiijiyadda siyaasadeed ee xisbiga ka hor doorashada guud ee la filayo in la qabto sannadka 2026/2027.
Go’aanka Xisbiga
Shirka kadib, Xisbiga Xaqsoor ayaa ku dhawaaqay in uusan yeelan doonin murashax madaxwayne oo u gaar ah doorashada soo socota, balse uu taageeradiisa siin doono musharax kale oo ay isla meel dhigaan. Go’aankan ayaa yimid kaddib dood dheer iyo falanqayn qoto dheer oo ay yeesheen xubnaha sare ee xisbiga.
Laba murashax oo laga soo xushay murashaxiinta badan ee jira.
Xisbiga ayaa sheegay in ay isla qaateen laba musharax oo ay u arkaan kuwo ay la shaqayn karaan, kuwaas oo kala ah:
- Madaxweynihii hore Sheekh Shariif Sheekh Axmed
- Raysulwasaarihii hore Cabdi Faarax Shirdoon (Saacid)
Si arrintaas loo dardargeliyo, Xisbiga Xaqsoor ayaa magacaabay guddi gaar ah oo kala kulma labada dhinac — Xisbiga Himilo Qaran ee uu hoggaamiyo Sheekh Shariif iyo kooxda siyaasadeed ee Saacid — si ay uga wadahadlaan shuruudaha is-afgaradka.
Shuruudaha uu Xisbiga Xaqsoor hor dhigay musharaxiinta uu la hadlayo waxaa ugu muhiimsan:
- In musharaxa ay taageerayaan uu ka tanaasulo magaca xisbigiisa si uu ugu soo biiro Xisbiga Xaqsoor.
- In haddii musharaxaas guuleysto, Xaqsoor uu helo jago Ra’iisul Wasaare.
Ilaa hadda lama oga musharaxa ama kooxaha aqbali kara shuruudahaas, balse ilo ku dhow labada dhinac ayaa sheegay in kulamadu horey u bilaabmeen, ayna dhowaan ka soo bixi doonaan go’aamo rasmi ah.
Asalka Xisbiga Xaqsoor
Ururka siyaasadeed ee Xaqsoor ayaa si rasmi ah looga dhisay magaalada Muqdisho, kaddib muddo ka badan hal sano oo la-tashi ah oo lala yeeshay qeybaha kala duwan ee bulshada Soomaaliyeed, oo ay ku jiraan siyaasiyiin, diblomaasiyiin, dhalinyaro iyo hoggaamiyeyaal bulshada rayidka ah.









