MUQDISHO-AYAAMAHA-War murtiyeedkii kasoo baxay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran waxaa looga hadlay qodob siyaabo kala duwan loo rog rogay, keenayna shaki loo qaateen ah oo sheegaya in muddo kororsi laga dhex fahmi karo.
Qodobkani waa kan ka hadlaya doorashooyin qof iyo cod ah iyo nidaamka xisbiyada badan.
Waa qodob wanaagsan oo la wada filayay, balse dhibka jira ayaa ah in waqti cayiman aanan loo qaban doorashadaas, iyada oo la wada ogyahay muddo xileelka madaxda meesha ku shirtay inta uu yahay.
Falanqeeyeyaasha waxa ay u arkeen in arrintani tahay muddo kororsi, ama heshiis af-gobaadsi lagu sheegay in min sanadkii loo kordhiyay dowlad goboleedyada hadda lagu xalaaleeyay shirka madasha.
Baarlamaanada dowlad goboleedyada Jubbaland, Koonfur Galbeed iyo Galmudug ayaa madaxdooda ugu daray mid hal sano oo dheeraad ah, balse dowladda federaalka ayaanan ka hadlin markii ay taasi dhacday. Hadda waxa ay la sheegayaa in war saxaafadeedka si dadban loogu ansixiyay muddo kordhintaasi.
Labo sheey oo aanan la hubin ayaase jirta, koow waa Puntland oo markii horeba muddo xilleedkeeda uu shan sano ahaa in sanad loogu darayo. Iyo in doorashada federaalka oo afar sano ahayd Shan sano laga dhigayo si loo waafajiyo tan dowlad goboleedyada.
Haddii meel la iska dhigo muddo kororsiga, weli ma cadda qaabka loo qabanayo doorasho qof iyo cod ah oo ay ka horeeyaan tallaabooyin badan sida tirakoob, xisbiyada, nabad gelyo iyo dhaqaale.
Horey marar badan ayaa la ballan-qaaday doorashooyin qof iyo cod ah, iska dhaaf in la fuliyee waxaa xitaa hoos looga sii dhacay halkii horey loo gaarsiiyay heerka dimoqoraadiyadda oo ahayn in ugu yaraan la helo tartan furan, hufnaani halkeeda ha joogtee.
329 ka xidlhibaan ee hadda Baarlamaanka fadhiya, mid kasta oo ka mid ah waxaa lagu soo xuley dooqa iyo rabbitaanka madaxdii markaasi joogtay, kuwaas oo hadda intooda badan ah kuwa hadda shirkan galay, kana hadlaya doorasho qof iyo cod ah.
Dhinaca kale dadka ku xeel dheer arimaha Dastuurka ayaa sheegey in golaha amniga Qaranka “NCC” aysan qodobada ay ka hadleen oo masiiriga ah ay tahay shaqada golayaasha Barlamanada.
Golahaan ay ku mideysan yihiin madaxa maamulada iyo kuwa dowlada Federaalka oo ah golle fulineed ayaa isu imaatinkooda waxaa aalaaba laga sugayaa iney diirada saaraan arimaha amniga, abaaraha, cimilada iyo IWM.