Xubin ka tirsan Alshabaab oo lagu qabtay Baydhabo

MUQDISHO_AYAAMAHA- Ciidamada Amniga dowlad goboleedka Koonfur Galbeed ayaa qabteyku al-Shabaab “Cumar Maxamed Ismaaciil” oo tababar ku soo qaatey Jilib xili uu ka dhoofi lahaa garoonka diyaaradaha Shaati-guduud ee magaalada Baydhabo.

Cumar oo la hadlay warbaahinta u sheegay in uu ku dhashey gaalkacyo kuna korey halkaas, laakiin markii danbe u soo wareegay Muqdisho, halkaas oo uu ka ahaa Macalin qur’aanka oo hab Online ah ugu dhiga caruurta qurba-joogta ah. NInkan oo magiciisa afgarashada ku sheegay Nuur ayaa sheegay in nin qaraabadiisa ah oo lagu magacaabo Maxamed Cabbeeye uu ku tashkiiliyey Al-Shabaab

Sida uu sheegay waxa uu tababar ku soo qaatay magaalada Jilib ee gobolka Jubbada dhexe. Tababarka markii uu dhamaystey waxaa la i keenay ayuu yiri iidaale, waxaana la ii soo direy tigidh diyaaradeed, lama yaqaan halka loo wadey in uu u duulo oo uu ka hawlgalo saxaafadana waa laga qariyey.

Waxa uu dalabadey cafis inkasta oo aanu isa soo dhibin markii hore, sidoo kale waxa uu sheegay in aanu weligii dagaal ka qayb gelin.