Yaa ku guulsystay doorashada wadanka Zimbabwean

MUQDISHO_AYAAMAHA-Natiijooyinka hordhaca ah ee doorashadii todobaadkan ka dhacday Zimbabwe ayaa muujinyaa in xisbiga talada haya ee Zanu-PF uu ku guuleysan karo aqlabiyadda baarlamaanka.

Isbahaysiga isbadal doonka muwaadiniinta ee mucaaradka ah (CCC) ayaa ku xooganaa magaalooyinka ay ka mid tahay caasimada Harare iyo magaalada labaad ee Bulawayo.

Waxaa jira warar sheegaya in qaar ka mid ah goobjoogayaasha madaxa banaan loogu yeerayo goobaha cod bixinta si ay u saxiixaan foomamka cusub ee natiijada.

Maamulka ayaa sheegay inay jiraan “khaladaad” dukumentiyada asalka ah. Wali wax natiijo ah laguma dhawaaqin tartanka madaxtinimada.