awood qeybsiga 4.5-ta iyo doorasho qof iyo cod ah !

Waxii ka dambeyaay markii uu gumeysigu ka tagay geyigga somaliyeed Modeelka awood qeysiga dalka waxuu ku saleysanaa qaacidada 4.5-ta oo ah Nidaam awood qeybsi kaaso beelaha soomaalida awoodaha dalka ugu sareysa Ku kala qaybsato.20-kii sano ee la soo dhafay Doorashooyinka ka dhaca somaaliya Ayaa waxa saldhiga uhaa nidaamka awood qeybsiga ee 4.5-ta .taaso 135 oday Dhaqameed ay soo xulaan 51 ergo oo beel walba leh ayaa doorta 275 –ta Xildhibaan ee aqalka hoose halka 54 –ta senators –ga aqalka sare  soo doorta Maamul goballedyada. Isku darka labbada aqal ayaa ka kooban 329 xubnood Waxayna soo doortan madaxweyneha jamhuuriyadda federalka soomaliya .
Awoood qeybsigan ayaa awood sinaaya beela qaar kuwaaso u tartami karo Labbada xil ee dalka ugu sareyso .beelaha laga tun roonyahay ayaa loo Loqoondey xilalka hoose .Beelaha soomaliyeed qaar ka mid ah ayaa loo dhigay Hab isla siman,hawiye ,daarood ,digir iyo mirefle iyo dir balse qolyaha looga Magac daray [beesha shanaad ]oo magaca rasmiga yahay [others ama 0.5-ka] waa Nuus -dhimman .taaso si’ bareer ah iyo si’ dadbanba ku abuurtay beelahani somaaliyeed cuqdad nafsi ku dhigan eexasho loo sharciyeeyey .
‘’Kuwa manta u tartamaaya xilalka ugu sareeya ee dalka mahan aqoon iyo karti i dheeryahiin balse awoood qeybsiga ayaa sidaas nafaray’’Khalid macow oo ka tirsanaa golaha shacabka ee 10-aad . waxan ka doodeyni mawduuc la xariira nidaamka doorashooyinka ee soomaliya . malintas ilaaa qorista maqalkan [weedhas] baa igu reebtay madhaho gooni ii ah .marka laga soo gudbo baxinta sinaanta alle oo siyeey Aadama nolol siman .ma jiro aadane sareyn sheegan karaya.‘’Wasaradii budge-keedu yahay wax ka yar hal milyan beesha shanaad ayaa waziir looga dhigaa’’ yaxye caamir aqoonyahan .
Dhibta gaartay walaha somaaliyeed mahan wax lagu koobi karaya faalooyin .
Ma jiro xildhiban aan soo hadal qaadin dhibta 4.5-ta ku yeelatay walaha qaar ka mid ah taani waxaa u dheeray beelaha awood simanka la siisay ee ku hintaqaaya oradhyada leh [xaq mahaan ee waa xal].[Ka hadlista waxaa ka haboneed baddelista] Golaha Barlamaanka waa halka laga bedelo sharuucda dalka lagu dhaqo ,nasib daro ayagii ayaa ku andaconaya awood qeysbiga 4.5-ta inuu dib u dhigay hormarka bulshada somaaliyeed .haddii uu barlamanka yahay sharuuc sameeya yahay ma jirta cid kaloo bedeli karto nidaamkan.Waa la oogson yahay mahadhooyinka uu nagu reebay xitaa kuwa uu nidaamkan sinaaya awood sare.
Madaxweyne walba oo la doorta waxuu sameeya ballan qaadyo oo ah bedelista awood qeybsiga 4.5-ta loona gudbo doorasho ku dhisan xisbiyo ilaa manta waxan dhageysanaa waa isla sidii,Madaxweyne Maxamed Cabdulahi Farmaajo waxuu wacad ku maray inuu qaban doono doorasho qof iyo cod ah dhamaan bulshada somaaliyeed u tartami karaan.Xasan Sheikh Maxamuud oo la doortay 15-kii may ee 2022 ayaa ballan qaday qabashada doorasho aan ka dhaci doonin teendhada afishiyooni .
Intooda badan waxay isku hawleen raadinta nooca nidaam doorasho ee ku habboon bulshada qabaa’ilka ah, ee ka soo bogsanaysa colaadaha sokeeye.Inkastoo aan la sameyni karin doorasho saldhigeedu yahay xisbiyo sida dalal badan sameyeen ,suaasha isweydiinta mudan ayaa ah 4.5-ta miyaa xisbiyo doorasho ah ku saleynaa. hal qof iyo hal cod waa nidaamka cod bixinta oo qof kasta oo koox ama dal ah uu xaq u leeyahay inuu codkiisa dhiibto.Soomalida xal aan ka aheyn awood qeybsi beeled kuma hishiin karan ,mana aqbalin karaan kaliya dhismo dowladnimio oo qabiil ah. Haddii somaaliya lagu qaban Karin doorasho hufan oo dhaman bulsho kaso qeyb galin Karin ,waxa haboon inaan qadano nidaamka ku dhisan kordhinta awood qeybsigu taasi oo fursad u ah dadka manta u tartami Karin xilalka sare .
KORDHINTA AWOOD QEYBSIGU 4.5-TA.
Kordhinta awood qeybsi loo simanyahay waa nidaamka kaliya aan isleeyahay somaaliya wa laga hirgelin karaa waa nidaam doorasho kasoo dhaman beelaha somaliyeed ugu tartami karaan xilalka ugu sareeya dalka . Kordhinta awood qeybsiga waxuu ciribtira in beelaha qarkooda xaqooda la doodsiiyo sida xiligan ka jirta dalkeena .aan jaantus ka baxino sida loo kordhinaya awood qeybsigu beelaha somaliyeed.4.5-ta waxuu ka kooban shan beelod oo kala aha hawiye ,darood,dir ,digir iyo mirifle.beesha shanaad.
Shantas ayaa beel walba waxay dhisaysa gole ka kooban bulshada qeybaheeda kala duwan .kuwaso soo doranaya musharaxiinta beesha ee rabta qabasha xilka madaxweynimo tusaale beesha dir haddi boqol musharax rabaan qabashada xilka madaxweyne waxaa soo kala saraya golaha ay beesha leedahay oo ku mideysan yahiin qabaa’ilada ka tirsan beesha ,ka dibne musharaxii soo guuleysta ayaa loo aqoonsan donaa  gudbe iskana xadiri doona ugu dambeysta [final stage]
Marka shanta beel soo doortan shan musharax waxaa loo sii gudba ugu dambeysta oo ah soo sarida madaxweyne .Tirada golayaashu waa mid ku xiran heshiis loo dhanyahay calaa beel hadday soo xushaan kun qofood isku geynta waa shan kun oo ruux hadday soo doortan madaxwene waxba kuma jabano haddi ayadoo loo maraya hab-raacyo lagu hishiiyo.isla sinaanta awoodeed waa mid gebi ahaanba meesha ka tuureysa nus-dhiman.
W/Q CABDIRAXIIM ABUUKAR AXMED JIMCAALE.