Shir muhiim ah oo looga hadlaayey amniga caasimada oo Muqdisho lagu qabtay.

MUQDISHO-AYAAMAHA-Guddoomiyaha maamulka gobolka Banaadir, ahna duqa magaalada Muqdisho Maxamed Axmed Amiir ayaa xalay guddoomiyay shir xasaasi ah oo ka dhacay Xarunta Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar kaas oo diiradda lagu saaray amniga caasimada.

Shirkan ayaa waxaa goobjoog ahaa guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasada Gobolka Banaadir Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Ciidanka illaalinta Deegaanka Xamar, Taliyeyaasha qeybta guud ee Booliska iyo Nabad sugida G/Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Police Military, Guddoomiyaasha Degmooyinka, Taliyeyaasha qeybaha iyo kuwa Saldhigyada.

Shirka ayaa sidoo kale looga hadlay sare u qaadida Nadaafada iyo bilicda Caasimadda, dar-dargelinta dakhli aruurinta, u diyaar garowga xilli roobaadka, asigoona kula dar-daarmay saraakiisha iyo maamulada degmooyinka in ay si hufan oo ay kujirto daacadnimo iyo Alla kacabsi ay u gutaan waajibaadka loo igmaday islamarkaana la iskula xisaabtami doono mas’uuliyada shacabka loogu adeegayo.

Shirkaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa Guddoomiye Kuxigeenka Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Taliyaha Ciidanka illaalinta Deegaanka Xamar, Taliyeyaasha qeybta guud ee Booliska iyo Nabad sugida G/Banaadir, Taliyeyaasha Ciidamada Police Military, Guddoomiyaasha Degmooyinka, Taliyeyaasha qeybaha iyo kuwa Saldhigyada.