Siddeed Gabdhood oo dhigata Dugsiga Gabdhaha Utumishi Girls Academy ee Dalka Kenya lana horgeeyay Maxkamad ayaa iska fogeeyay in ay ku lug lahaayeen kiiskaas oo sababay geerida 16 qof & dhaawaca 79 kale.
Dhacdadaan waxa ay dhacday 28kii May sannadkaan 2026, waxaana Hay’adaha ammaanka u suuragashay in ay soo qabtaan Gabdhaha la horgeeyay Maxkamadda ee lagu tuhmayo in ay ka dambeeyeen dabka la qabadsiiyay qaybta Jiifka ee Iskuulkaas.
Eedeysanayaasha oo wax laga weydiiyay waxa ka jira eedeynta loosoo jeediyay ayaa iska fogeeyay ku lug lahaanshiyaha kiiskaas, waxa ay sheegeen in aysan waxba ka ogayn ama ka dambayn dabkaas qabsaday iskuulkooda.
Qareenka Difaacaya ayaa codsaday in damaanad lagu sii daayo Gabdhahaas oo magacooda, wajigooda iyo xogtooda loo qariyay sababo la xiriira Kiiska oo ah mid xasaasi ah isla markaana Bulshada saameeyay sida hadalka loo dhigay.
Sida sharciga ah waxaa loogu labisay dhar dahaaraya jirkooda waxaana marka maxkamadda lasoo gelinayo iyo xiliga laga saarayo gacanta ku haya ciidamo katirsan kuwa Ammaanka, waxaana sidaas loo samaynayaa in ay suuragal noqon karto in kiiskaas lagu waayo.











